Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa markii u horreysay ka hadlay baaritaanka caafimaad oo uu u tagay wadanka Jarmalka, isagoo sheegay in xaaladiisa caafimaad ay xilliga aad u wanaagsan tahay.
Xasan Sheekh oo isgoo ku sugan dalka Jarmalka wareysi siinayay BBC-da ayaa sheegay in saddexdii sano ee uu xilka hayay aanu fursad u helin inuu baaritaan caafimaad sameeyo.
Madaxweynaha Somalia ayaa sheegay inuu la kulmay mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda Jarmalka, ayna ka wadahadleen arrimaha Soomaaliya, wuxuuna xubanaha uu la kulmay la xusay xubno ka tirsan xafiiska RW dalka Jarmalka, Angela Markel.
Su’aal ku saabsanayd arrimaha musuq-maasuqa ka jira Somalia oo BBC-du ay weydiisay ayuu uga jawabaay. “Dowladeydu way la dagaalamaysaa wax walba oo musuq-maasuq ah, cidii lagu helana sharciga ayaa lala tiigsanayaa, mana jirto cid sharciga ka sarreysa.”
Dhanka kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku baaqay in colaadda ka taagan degmada Guri-ceel ee Gobolka Gal-guduud ku baaqay in la joojiyo, isagoo cidii wax tirsanaysa ku boorriyay inay ka qayb-gasho wadahadalada nabadeed ee ka socda Dhuuso-mareeb.