Golaha Amaanka oo Xukuumada Ka Codsadey Iney Nabadeeyaan Deegaanada Ay Kala Wareegaan Alshabab

0
63

securityGolaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya xasilinta dhulka laga qabsaday kooxda Al-shabaab.

Golaha ayaa sidoo kale ku baaqay dhisidda iyo xoojinta maamul goboleedyada KMG ah ee dalka iyo dib-u-eegista dastuurka ku meel-gaarka ah, iyada oo aan jirin dib-u-dhac dheeraad ah.

Xubnaha golaha ammaanka ayaa sheegay inay muhiimad gaar ah leedahay in Madaxweynaha, golaha cusub ee Wasiirrada iyo Baarlamaanka federaalku ay si wada jir ah uga shaqeeyaan sidii mustaqbalka looga hortagi lahaa rabshadaha la xiriira siyaasadda.

Si kastaba arintu ha ahaatee goobah ay la wareegaan ciidamada dowlada ayaa inta badan waxaa ka dhacay dhibaatooyin aan u badan oo ay geystaan ciidamada dowlada taasoo marar badan ay ka hadleen shacabka balse xukuumada ay inta badan dhag jalaq u siin.