Wasiir ku-xigeenka wasaaradda difaaca, C/raxmaan Kulmiye Xirsi oo ka mid ahaa xukuumaddii uu habeen ka hor soo magacaabay ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa shaaciyay inuu xilka iska casilay, isagoo sheegay inaan lagala tashan xilka loo magacaabay.
C/raxmaan Dheere ayaa sheegay in habka loogu magacaabay xilka wasiir ku-xigeenka gaashaandhigga aysan waafaqsaneyn hannaanka awood-qaybsiga dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale, mudanaha is-casilay ayaa intaa raaciyay inuu la-tashi la sameeyay siyaasiyiinta iyo xildhibaannada beeshiisa, kaddibna uu iska casilay xilka.
Mas’uulkan oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Somalia ayaa xusay in madaxda dowladda federaalka Somalia, gaar ahaan ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha Somalia uu si cad ugu sheegay inuu xilkan iska-casilay.
Si kastaba arintu ha ahaatee, C/raxmaan dheere ayaa noqonaya wasiirkii koowaad ee iska casila xilka oo ka tirsan xukuumadda uu habeen ka hor magacaabay ra’iisul wasaare Sharma’arke.