Dowlada Itoobiya oo Shaacisey In Ay Ciidamo Dheeri Ah Somaliya Usoo Diri Doonto

0
88

Nigerian reinforcements ECOMOG peacekeepDawlada Ethiopia ayaa shaacisay inay Soomaaliya usoo dirayso ciidamo dheeraad ah oo ay ku sheegtay inay nabad illaalin yihiin kuwaasoo la geynayo magaalooyin ku yaala koofurta Soomaaliya.

War laga soo xigtay wasaaradda gaashaandhiga Ethiopia oo ay baahisay wakaaladda wararka ENA ayaa waxaa lagu sheegay xukuumasdda Addis-Ababa ay diyaarisay ciidamo tiradoodu gaarayso 600 oo askari oo loogu talo galay inay yimaadaan magaalooyin Soomaaliya ku yaala.

Magaalooyinka ciidamada la gaynayo waxaa ka mid ah magaalada Kismaayo iyo magaalooyin kale sida ay ku waramayso wakaaladda wararka ENA.

Ciidamada Ethiopian,ka ah ee Kismaayo la geynayo ayaa galaya booskii ay baneeyeen ciidamada Sierra Leone ee Soomaaliya iskaga baxay markii dalkooda laga helay xanuunka Ebola.

Ciidamada Ethiopia ee Soomaaliya jooga hadda waxay qeyb ka yihiiin howlgalka Midawga Africa ee AMISOM.