Hanti dhowrka Guud ee Qaranka Dr.Nuur jimacaale Faarax oo Wareysii siiyaya Idaacada BBC-da Laanteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay in Sanadkaan 2015-ka la xoojinayo Baaritaanada lagu ahyo Hay’addaha Dowladda Soomaaliya si lo yareeyo Musuq Maasuqa ka jira Dalka Soomaaliya.
Dr.Nuur jimacaale Faarax ayaa Xusay in Sanadkii hore Shaqadii la hayay hada laga badan doono,waxaana uu tilmaamay in Xitaa Baaritaan lagu sameeyay Xafiisyada Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha,inkastoo uusan sheegin Natiijada Baaritaankaasi.
Kol dhow ayey aheyd kolkii uu sheegey Hanti Dhowraha Qaranka Dr.Nuur jimacaale Faarax in loo diidey gelitaanka xafiiska madaxweynaha inkastoo aan la ogeyn Suurta galnimada Warka ah Baaritaanka Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.
Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada