Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, danjire Nicholas Kay iyo danjiraha Midowga Afrika iyo AMISOM ee Somalia, Maman S. Sidikou oo uga qaybgalay khadka taleefoonnada shir xubnaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uga hadlayeenn xaaladda ka taagan Somalia ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda Soomaaliya.
Mr Kay ayaa sheegay inuu xaaladda Soomaaliya ka qabo walaac iyo rajo isku dhafan, isagoo xusay in howlaha laga doonayo Soomaaliya ay dib u dhac ku keeneen murannadii siyaasadeed ee soo dhexgalay madaxda Soomaaliya.
Sidoo kale, ergyga oo ka hadlayay rajadiisa ku aaddan in howlaha dowladda Soomaaliya u harsan la dhameystiri karo ka hor xilliga loo qabtay inay dalka ka dhacdo doorasho, ayaa sheegay in taas uu rajo ka qabo, laakiinse ay ku xiran hadba sida caqabada jira looga gudbo.
Dhanka kale Ergayga gaarka ah ee Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya ayaa isagana ka hadlay kulanka xubnaha Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay eek u yeesheen magaalada New York.
Wuxuu Sheegay danjire, Maman S. Sidikou,Ciidamada Dowlada oo kaashanaya kuwa AMISOM sanadkii tagay ay qaadeen labo howlgal kuwaasi uu tilmaamay in shabaab looga qabsaday 16-magaalo.
Beesha caalamka ayaa horay walaac uga muujisay xaalada siyaasada Soomaaliya sida ay hada ku socoto kuna baaqday in dhinacyada ishaya ka yimaadaan dhibaatada si Shacabka Soomaaliyeed loo iftiimiyo mugdiga kaga jira sanadka soo socda 2016-ka.