Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa kulammo la yeeshay qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Somalia, isagoo kala hadlay wasiirrada uu soo magacaabayo.
Mudane Daahir Aamiin Jeesow oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka ayaa sheegay in ra’iisul wasaaruhu uu kulammo kala gooni-gooni ah la yeeshay qaar ka mid ah xubnaha golaha barlamaanka Soomaaliya, isagoo hab beel ahaaneed ula kulmay.
Sidoo kale, xildhibaanka ayaa intaa ku daray in ra’iisul wasaaruhu uu xildhibaannada ka dalbaday inaan dib loo eegin waxyaabihii horay loosoo maray, balse horay loo sii socdo, si xukuumadda uu soo dhisayo ay u noqoto mid shaqeysa.
Mar la weydiiyay waxyaabihii gaarka ahaa ee looga hadlay kulamada isagoo ku jawaabay. “Ma doonayo inaan saxaafadda ka sheego wixii looga hadlay kulammada, balse waxaan sheegayaa in rajo wanaagsan laga qabo in baarlmaanka ay gudbi doonto xukuumadda lasoo wado.”