Madaxweynaha maamulka goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta soo gaaray Muqdisho, iyagoo si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho.
C/weli Gaas oo saxaafadda hadal kooban siiyay ayaa sheegay in Muqdisho ay u yimaadeen sidii ay wadatashi siyaasadeed madaxda Soomaaliya ula yeelan lahaayeen, ayna dhowr maalmood joogayaan Xamar.
Cabdi weli Gaas ayaa waxaa garoonka diyaradaha Muqdisho kaga hor-tagay xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, iyadoo imaanshihiisa kusoo beegmayso xilli la filayo in ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid uu goor-dhow ku dhawaaqo gole wasiirro.
Si kastaba ha ahaatee, Cabdiweli Gaas ayaa lagu wadaa in maanta iyo berri kulammo la qaadan doono madaxda dowlada federalaka Soomaaliya wixii kulankooda kasoo baxana la filayo in ay usoo gudbiyaan warbaahinta.