Booliska Kenya ayaa shalay magaalada Mandheera ku xiray nin lagu magacaabo Maxamed Ibraahim Bashiir oo 40 jir ah oo Soomaali ah, kaas oo looga shakiyay in uu ku lug lahaa weerarro bishii December ee sanadkii hore ka dhacay gobolkaas.
Booliska wuxuu caddeeyay in Bashiir uu ka mid yahay dadka deegaanka ee degmada Mandheera, waxaana la rumeysan yahay inuu xiriir dhow la lahaa Salim Abubakar Kitonga, oo toddobaadkii hore uu boolisku ku xiray isla Mandheera.
Kitonga ayaa lagu eedeeyay in uu gacan weyn ku lahaa weerarro bishii December ee sanadkii hore lagu qaaday bas ka ambabaxay magaalada Mandheera oo ku sii jeeday Nairobi iyo meel laga qodo dhagaxa oo ku taalla duleedka Mandheera. Weerarradaas oo mas’uuliyaddooda ay sheegatay Al-Shabaab waxaa ku dhintay 64 qof oo ay ku jireen in ka badan 20 macallin.
Si Kastaba arintu ha ahaatee howlaha ay wadaan ciidamada boliiska dalka kenya ayaa ah mid ay dad badani kusoo qabqabtaan si ay u sugaan amaanka wadankooda.