Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Waraaqihii Aqoonsiga Kala Wareegey Danjiraha Dalka Serbia

0
124

hasanMadaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada warqadihii aqoonsiga kaga guddoomay danjiraha dalka Serbia u fadhin doona Soomaaliya Mr Ivan Zikovic.

Madaxweynaha ayaa danjiraha cusub u xaqiijiyey in Soomaaliya ay soo dhoweyneyso in xiriirka labada dal uu noqdo mid iskaashi oo gacan ka geysta dib u soo kabashada Soomaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey danjiraha adeegyada Serbia ay dooneyso inay kala shaqeyso Soomaaliya , isagoo si gaar ah u xusey muhimadda tababarada mihnadaha u leeyihiin dhalinyarada Soomaaliyeed.

Munaasabadda uu madaxweynaha danjire Zikovic kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr Cabdiraxmaan Beyle Ducaale.