Ciidamada badda ee Yemen ayaa badbaadiyay dad la socday doonni ku dagtay badda cas, kuwaasoo intooda badan ahaa Somali doonayay in ay tahriib ahaan ku galaan dalkaas.
Tahriibayaashan doonta la socday oo tiro ahaan gaaraya 49-qof ayaa isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan, kuwaasoo oo doonayay inay gaaraan Yemen si ay ugu sii gudbnaan dalalka kale ee Khaliijka Carabta.
Saleh al-Sobari oo ka tirsan saraakiisha ciidamada badda waddanka Yemen ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee SABA inay soo badbadiyeen 13 ruux oo siddeed ka mid ah ay Itoobiyaan yihiin.
Waxaa la rumeysan yahay inay doonta dagtay ku geeriyoodeen dad badan, taasoo Isniintii shalay ku dagtay xeebaha Koonfur-bari Yeman, iyadoo ciidamadu ay sheegeen inay heleen maydadka dadkii doonta la socday qaarkood oo ay Soomaali ku jirto.
Baaritaannada ay ciidamadu ka sameynayaan Badda Cas ayaa wali socda; iyadoo wararka la helayo ay sheegaya in 35-qof oo Soomaali ah ay dhinteen kuwaasoo la socday doonnida dagtay.