Ciidamada Dowlada oo Maanta Qarax Lagula Beegsadey Degmada Wardhiigleey

0
68

qaraxWarar goor dhaweyd aan ka helney magalada muqdihso ayaa sheegaya in qarax lala beegsanayey ciidamada dowlada uu ka dhagmada Wardhiigleey qaraxaas oo sababey dhimasho iyo dhaawac.

Gudoomiyaha degmada Wardhiigleey Yaasiin Nuur oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Qaraxa uu sababay geerida Labo ruux oo rayid ah iyo dhaawaca seddex kale oo ka agdhawaa goobta uu qaraxa ka dhacay,wuxuu meesha ka saaray gudoomiyaha in Ciidamada Dowlada qasaaro uu ka soo gaaray qaraxa gaarigooda la kacday.

Qaraxa ka dib ayaa Ciidamada Dowlada waxay fureen rasaas oo ay ku kala ceyrinayeen dadweynaha halka uu qaraxa ka dhacay ku sugnaa.

Qaraxan oo ahaa miinooyinka dhulka lagu aaso kusoo inta badan laga adeegsado magalada muqdisho