Ciidanka Puntland iyo xoogagga Al-shabaab ayaa ku dagaalamaya maalintii labaad buuraleyda Galgala ee gobolka Bari oo u ahaa fariisimo Al-shabaab, iyadoo la sheegayo in dagaallada maanta ay aad uga xooggan yihiin kuwii shalay.
Suxufiyiin ku sugan Puntland ayaa soo sheegaya in dagaalladan ay si xoogan uga socdaan buuraha Galgala, kaasoo billowday saaka aroortii, kaddib markii ay ciidanka Puntland weerar ku qaadeen saldhigyo ay Al-shabaab ku lahayd buurahaas.
Maamulka Puntland ayaan weli ka hadlin khasaaraha dagaalkan ka dhashay, iyado wararku ay sheegayan in dagaalka maanta uu khasaare nafeed oo aad u fara badan geystay, inkastoo aan si rasmi ah loo khasaaraha dagaalkan ka soo gaaray labada dhinac.
Dagaalkan ayaa daba-socda dagaal culus oo shalay Puntland iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaannada buuraleyda ah ee Gal-gala, iyadoo saraakiisha Puntland ay sheegeen inuu ka mid yahay kuwo ay ku doonayaan inay Al-shabaab kaga saaraan buuraleyda Galgala.