Afhayeenka Al-shabaab, Sheekh Cali Dheere oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ay ka fuliyeen Muqdisho shalay ay ku dileen sideed askari oo ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya.
Sh. Cali Dheere ayaa sheegay in weerarkooda ay la beegsadeen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo lagu magacaabo Alpha Group, kuwaasoo oo uu sheegay inay ka dileen toddoba askari oo ciidamadaas ka tirsan iyo sarkaal uu uu sheegay inuu hoggaaminayay.
Afhayeenka guud ee Al-shabaab ayaa intaas ku daray in howlgalkaas oo uu sheegay inay hadafkoodii ka gaareen ay fuliyeen xoogaggooda ka howlgala Muqdisho, isgaoo sheegay in sideeddaas askari ee ay dileen ay ka mid yihiin kuwa xarigga iyo dhibaatada ku hayay shacabka ku nool Muqdisho.
Isagoo sii hadlaya afhayeenka Al-shabaab ayuu wuxuu hadalkiisa raaciyay in Shacabka Muqdisho uu ugu bishaareynayo inaysan jiri doonin meel ay kaga nabad-geli doonaan wuxuu ugu yeeray cadowga muslimiinta, hadafkooduna uu yahay inay difaacaan muslimiinta.