Danjiraha Midowga Africa oo Sheegey In Col Xaamud In Aan Xilka Looga Qaadin Weerarkii Xalane

0
60

mumanErgayga Midowga Afrika ee Somalia, danjire Maman S. Sidikou oo maanta shir jaraa’id ku qabtay taliska AMISOM ee Xalane ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xil-ka-qaadistii afhayeenka ciidamada AMISOM, Col. Cali Aadan Xumud, isagoo shaaciyay in afhayeenka aan xilika looga qaaday weerarkii Al-shabaab ee Xalane, isla markaana uu waqtigiisu dhamaaday.

Danjiraha ayaa intaas raaciyay in Col. Cali Xumud uu waqtigiisu ku ekaa sannadkii tagay ee 2014, sidaa daraadeedna aanay jirin wax cusbooneysiin ah oo uu shaqadiisa kusii wadan karo.

Sidoo kale, danjire Sidikou ayaa ka hadlay weerarkii Al-shabaab ay Xalane la beegsatay 25-kii bishii December ee sannadkii hore, isagoo xusay inuu ahaa mid nasiib-darro ah oo ay naftooda ku waayeen askar iyo saraakiil ka tirsan AMISOM.

Danjiraha oo sii hadlay ayaa wuxuu sheegay in la iska kaashado dagaalka lagula jiro Al-shabaab, isagoo shacabka Soomaaliyeed si gaar ah ugu baaqay inay gacan ka geystaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.