
Gudoomiyaha degmadaasi Xasan Maxamed Cali oo u waramay Warbaahinta Wadajir, ayaa sheegay in xilligaan ay aad u dhiban yihiin dadka ku dhaqan deegaankaasi.
Dadka qaar ayuu sheegay in aysan helin xitaa hal waqti wax ay cunaan, waxaana uu ku baaqay in gurmad deg deg ah lala soo gaaro dadkaasi.
Dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha samafalka ah ayuu ugu baaqay in kaalmooyin deg deg ah ay soo gaarsiiyaan shacabka ku dhaqan deegaanka Buurdhuubo.
