Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka General Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe ayaa waxa uu xabsi guri geliyay Madaxa Isbaaroolayda gobolka Shabeelaha hoose Liibaan Madaxweyne iyo Sedex ka mid ah saraakiisha isaga la shaqeeysa.
Liibaan Madaxweyne iyo 3-da nin ee kale ee lala soo xiray ayaa tan iyo Isniintii ku sugan Xarunta Xisbiga oo ay deganaayeen waxaana dhaq dhaqaaqoodu la socdo ciidan si gaar ah ilaalo looga dhigay.
Ilo muhiim ah oo lagu kalsoonaan karo ayaa ku waramaya in 4-taan nin loo arkay in ay sii hurinayaan dagaal beeleedyada soo noq noqday ee ka aloosan Gobolka Shabeellaha Hoose.
Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga ee Soomaaliya General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo ay Dowladdu u xil saartay soo afjarida dagaalada ka jira Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa Liibaan Madaxweyne u arkay mid caqabad ku noqday waan-waanta laga dhex wado labada beelood ee Biyo-Maal iyo Habargidir.
Tallaabada lagu soo xiray Liibaan Madaxweyne iyo xubnaha kale ee lala soo xiray ayaa waxaa la rumaysanyahay in uu ka dambeeyay Wasiir Xaamuud, isla-markaana uu amar siiyay Taliyaha Ciidanka Xooga.
Saraakiisha iyo Ciidamada Dowladda ee ka hawlgala Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay la kala safteen beelaha ay dhiilada colaadeed u dhaxeyso ee Biyo-Maal iyo Habargidir.
hala xiro kuwaan tuuganimada caadeystey kuna haya shacabka gobolka dhibaato aan loo dulqaadan karin oo aan dhamaad laheyn..
Aniga.waxes.dhihilahaa.hla toogto
60 isbaaro sheekadan is baaro waa ay ka weyntahay waa difaac dad baa lagu difacaya iyo beero ha u maleynina sbaaro kali maaha ee hurdada ka kac
HALA TOOGTO WAAA HADII AAY CADAALAD JIRTO
Comments are closed.