Doorashada Gudiga Olympic-da KoonfurGalbeed oo beri Baydhabo ka dhici doonta

0
74

sport

 

 

 

 

 

 

Waxaa maalin-nimada berito ah ka dhici doonta magaalada Baydhabo caasimada Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfurgalbeed xaflad aad u balaaran oo  lagu soo afjari doono shirar isdabajoog ahaa oo maalmihii lasoo dhaafay ka socdeen magaalada loogana hadlayay samaynta gudi maamula Olombikada KoonfurGalbeed.

Shirarkan oo ahaa kuwo loogu gogol xaarayay dhismaha gudiyada ciyaaraha iyo maamuladooda ayaa waxaa lagu wadaa in maalinta jimcaha ee berito ah lagu soo gabagabeeyo kulamada iyadoo weliba kulankan gebagebada ah lagu dooran doono gudiyadii maamuli lahaa qaybaha kala gedisan ee Ciyaaraha sidoo kalena waxaa halkaas lagu dooran doonaa gudoomiyaha Gudiga SouthWest Somali Olympic Committee iyo ku xigeenadiisa.

Magaalada Baydhabo caasimada Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee KoonfurGalbeed ayaa waxaa haatan ku sugan rugcadaa Sport oo isaga kala yimid gudaha iyo dibada sidoo kalena waxaa magaalada ku sugan ergooyin matalaaya gudiyada Sportiga gobolada lixdaah ah oo ay ka kooban yahay Dowlad goboleedka KoonfurGalbeed.