Maalintii Talaadada markay Saacadu ehayd Tobankii Subaxnimo waxa hirgalay Xabadjoojin u dhaxaysa Falastiiniinta iyo Israa`iil. Caasimada Wadanka Masar ayaa ka socda Wadal u dhexeeya Wufuud ka socota Falastiiniinta iyo Israa`iil, waxayna kawadahadlayaan sidii Nabad waarta loogu gaari lahaa Dagaalka iyo sidii Go`doonka saaran Marinka Gaza loogu qaadi lahaa. Wafdiga Falastiiniinta ayaa soo jeediyay Shuruudooda oo ka mid ah in Xayiraada saaran la qaado loona furo Xuduuda, Isku Socodka Dadka iyo Gadiidka, Dekedda iyo Garoonka Marinka Gaza.
Dagaalkan oo geystay Khasaaro badan oo Naf iyo Xoolo isugu jira ayaa socday Muddo Bil ah. Wuxuuna ku burburay Guryo Degaan ahaa oo lahaa Dad Shacab ah . Israa`iil ayaa si kala Sooc La`aan u duqeeyay Guryaha shacabka, Iskuulada, Masaajidada iyo Xaruumaha Adeega Guud. Faafaahinta Khasaaraha Dagaalka waa sidan:
- Dhanka Israa`iilka inta la ogyahay waxaa ugu geeriyooday 64 Askari iyo 3 Rayid.
- Dhanka Falastiiniinta waxaa kaga shahiiday 1576 Rayid iyo 229 Mujaahidiin.
- Dhaawaca falastiiniinta wuxuu gaaray 9563.
- Falastiiniinta ku Guryo Beelay noqdeena bilaa Hooy tiradoodu waa 475, 000
Jaamacda Carabta ayaa Maalmaha soo socda diraysa Wafdi u kuurgala Burburka iyo Khasaaraha Dagaalku gaystay iyo sidii Marinka Gaza dib loogu dhisi lahaa loona caawin lahaa Dadka Guryo la`aanta noqday. Halkan Hoose ka daawo Video cadaynaya Burburka iyo Khasaaraha Dagaalkan Dhaliyay.