Sawiro: Wafdi Ka Socda Dowlada UK oo Baydhabo kula Kulmay Madaxweyne Madoobe Nuunoow iyo Kooxda Shariif Sakiin

3
96

madobeWafdi ka socda Dowlada Ingiriiska ayaa Maanta Magaalo Madaxda Gobolka Baay gaaray. Wafdigan ayuu la kulmay Madaxweynaha Dowlada Koonfuur Galbeed Madoobe Nuunow iyo Golihiisa Wasaarada.  Madaxda Koonfur Galbeed iyo Wafdigan ayaa kawada hadlay Arimo badan oo ka mid ah Ammaanka iyo Qadiyadda Koonfuur Galbeed. Wafdigan ayaa sidoo kale Madaxda Konfur Galbeed kala hadlay sidii Khilaafka dhanka Siyaasada qaab Nababeed iyo Wadahadal ah loogu xalin lahaa.

Dhanka kale Wafdigan wuxuu la kulmay Kooxdii Moqdisho laga soo diray oo laga soo dhaadhiciyay inay Saddex Gobol Maamul u samaystaan, Saddexda kale ay iska iloowaan. Kooxdan ayaa ah Koox Cahdi iyo Balan lahayn, shalay ayay ka mid ahaayeen kuwii dhisay Dowlada KG6 kuna dhaarteen inay difaacayaan.

Tan iyo Markii kooxda Qaswadayasha ay soo cagadhigteen Magaalada Baydhabo ayaa si Hoose u socda Shirar looga arinsanayo waxa laga yeeli lahaa iyo qaabka loola dhaqmi lahaa Kooxda Shariif Sakiin.  Waxaa xusid mudan in Xaaladda Magaalada Baydhabo ay tahay mid degan mana jiraan Falal lid ku ah Amniga.

koow

20140805_123902

20140805_124010

20140805_124015

madobe

madobe1

 


 

 

3 COMMENTS

  1. Mundane madaxweyne nuunow usheeg aduunwaynaha kuwaan caadoqaatayaasha inaaney laga jecleen guryohooda gobol iskabadaa

  2. SIDA AY WARBAAHINADA GUDAHA DHAMAANTOOD EEY SHEEGEEN IN WAFDIGAN AY U YIMAADEEN I AY LA KULMAAN OO AY LA DAR-DAARMAAN GUDIGA FARSAMADA MAAMUL U SAMEEYNTA,SADAXDA(3da) GOBOL EE KGALBEED,WAXAA FIICAN UMMADA AAD WARARKA U SHEEGEEYSAAN IN AAD ZAQIIQADA&RUNTA AAD UGU SHEEGTAAN XAQIIQDA DHABTA AH EE JIRTA<MARKAAS AYAAD WARBAAHIN LA AKHRISTA NOQONEEYSAA,MAXAA YEELAY WAXAA LA DHAHAY WAR HELAA TALA HELA,SI DADKA AAD LA HADLEEYSAAN AY MARKA WIXII JIRA UGU DIYAAR GAROOWAAN,WARAN LA FILAAYAYNA NAXDIN MA LAHAN.
    Eedow Liibaan

  3. lix gabool iyo sadax gabool sheekada mahan ee kow an iska celino salbalarta cusub ee marka kuso duushey.

Comments are closed.