Ururka Midowga Africa ayaa wakiilkooda Somalia u soo magacabaay, Danjire Maman Sidikou, kaddib markii uu iska-casilay xilka danjirihii hore ee Midowga Afrika, Maxamed Saalax Anaadiif bishii lasoo dhaafay isagoo aan sheegin sababta rasmiga ah ee uu xilka isaga casilay.
Danjiraha cusub ee ururka Midowga Afrika u qaabilsanaan doona madaxa ugu sarreeya ee ciidamada howlgalka AMISOM ee Somalia, isgaoo xilka kala wareegi haweeney u dhalatay dalka Uganda oo hadda ah ku sime.
Wakiilkan cusub ayaa u dhashay dalka Nigeria, waana aqoonayahan ku takhasusay dhaqaalaha , siyaasadda iyo xiriiradda caalamiga ah, sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday Midowga Afrika.
Ergaygu wuxuu horay ula soo shaqeeyay ururro ay ka mid yihiin USAID, World Bank iyo UNICEF. Waxaana uu noqonayaa ergaygii labaad oo muddo sannado ah gudahood loo magacaabay arrimaha Soomaaliya iyo madaxa AMISOM.
Daafeet.Com
waad qaldanteen ee waxay soo magacaabeen madaxweynaha hawiye
Comments are closed.