Prof Jawaari usoo Xeetxeetey Siduu u Iibsan Lahaa Shacabka Koonfur Galbeed

11
298

jawariWada hadal khadka Telefoonka ah oo qaatay in kabadan saacad ayaa waxa uu dhexmaray Madaxweynaha Koonfur Galbeed mudane Madoobe Nuunow Maxamed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayagoo ka wada hadley sidii loo midayn lahaa Maamulka Koonfur Galbeeda ee lexda gobol iyo midka uu hor kacaayo shariif sakiin.

Jawaari ayaa ka codsaday Madoobe Nuunow inuu yimaado Magaalada Muqdisho si uu u xulo Guddiga Koonfur Galbeed uga mid noqonaya dhismaha Koonfur Galbeeda cusub.

Madaxweyne Madoobe Nuunow oo aad ula yaabay hadalka Jawaari ayaa yiri Marna ma dhici doonto mudane Gudoomiye inaan dadkay Khayaano.

Jawaari oo ku dadaalaya siduu ku hirgeli lahaa Qandaraaska Sedaxda Gobol ayaa waxa uu u sheegay Madaxweyne Madoobe in loo ogol yahay Hanti Lacageed oo gaareysa 50 Kun oo Dollar waa hadii uu ka tanaasulo Lixda Gobol.

Madaxweyne Madoobe Nuunow ayaa yiri “Ma Ihi Laaluush Qaate, Ma Ihi Qadiyad Laawe, Mana Iga Suuragasho in Dhulkayga aan ku iibsado Dollar.”

Madaxweyne Madoobe Nuunow Maxamed ayaa kula taliyay Gudoomiye Jawaari inuu yimaado Baydhabo uuna ka dhaadhiciyo Shacabka Koonfur Galbeed inay ogolaadaan Sedaxda Gobol, balse isaga uusan ogolaan doonin inuu Dhulkiisa uu ku iibsado Dollar.

Ugu danbeyn Gudoomiye Jawaari ayaa usheegay Madaxweyne Madoobe Nuunow in beesha caalamka ay ka go’antahay meelmarinta Sedaxda Gobol iyo inay Talaabo ka qaadi doonto cid walba oo ka hortimaada.
Madaxweyne Madoobe Nuunow ayaa yiri Beesha Caalamka ilama laha Dhulka, waxaan diyaar u ahay inaan maro Wadadii uu maray Marxuum Xasan Aadan Keerow.

Si kastaba arintu ha ahaatee waxaad moodaa in gudoomiyaha barlamnaka uu weli ka dhacsan yahay siyaasada ka jirta dalka somaliya uuna weli aaminsan tyahay siyaasadii xiligii kacaanka oo qofkii wax diida loo hanjabi jirey, Balse suaasha ey is weydinyaan shacabka koofur galbeed ayaa waxaa ey tahay waa maxay sababta keentey in siyaasiyiinta koonfur galbeed oo keliya ey u hogaasamaan go,aanada kasoo baxa xukuumada? maxaase u diidey in ey u hogaasanto somalida kale?
Daafeet.Com

11 COMMENTS

  1. Professor aaa ? kkkkkk kkkkkk kkkkkk kkkkkkk
    Aqoon la’aan ayaa idin haysata, maxaa yeeley Ninkaan waxa uu sheeganaayo oo dhan waa Been abuur , Munaafaqnimo iyo Af-Miinshaarnimo .

    Inuu Iib geynaayo Digil iyo Mirifle shakki yeysan idinka gelin, Xittaa waa daffiri karaa Jiritaankooda kkkkk kkkk.

  2. kkkkkk horta waa su aale hadii jawaari maanta xunyahay yaa fiican wabo ninka kaliya oo dowlada kujira oo macquulka ah mese waxa rabtiin in eelaay baay iyo bakool xirato oo mariixaan gedo iyo garba haareey xirto oo xawadle hiiraan xirto oo muduloodne l muqdisho iyo shabelada dhaxe xirto oo habrgidr dhuusa mareb iyo cadaado xirato majertena garowe iyo boosaso xirto isaaqne hargesa xirto sidaas miyaa jeceshihiin oo idinla reeyso oo soomalinimo marabtiin miyaa

  3. Dollar hadey wax tareyso kuwi horey uu qatey ha lagu wano qato . Madobe Nunow waa nin qadiyad leh ahlu diina aha kana madax banaan laqdaba kuwa naga mid aha wadan Illahay ayase ka sareyo kuwa Kofur Galbed shacabkeda iyo dhulkeda qayanada la daba tagan. Rewiin wuxxu ku max maxyooda ABAAAR BAHASE CEBA DORON. hadeyba Ceb qareyso ha laga Cudu Billeysto Cada Qatayash Illahay ayaa laga magan galey. Sherif Hassan maxa lagu haystey ileen asaga3 Gobol inuu wato derbi ma ku so gambaniine. Kuwa marki horey 6 Gobol afkoda ku hayeey QALBIGODA qanada ku hayeey mata dadka ayaga ayaga ugu lito Hasbunullahai waa Nicmal Wakil.

  4. aniga waxaa iila yaab badan ninka diidaya wada hadal lagu badbaadinayo dadka koonfur galbeed,, waxaan qabaa marka hore in la isku raaco dhismaha maamul ay leeyihiin dadkan dhiban ,, marka xigana loo howl galo in la raadiyo xuquuqda dadka dega jubooyinka, maamulka hadda ka jira jubbooyinka waa ku meel gaar,, waxaa laga yaabaa 2016 ka in digil iyo mirifle yeeshaan laba maamul goboleed.haddii kale iyadoo wax maamul ah aan la heyn ayaa shabeelaha hoose dad kale maamul u sameysanayaan,, mashruuca lixda gobol waxaan u arkaa xujo lagu fashilinaayo maamul ay yeeshaan reer koonfur galbeed.

  5. waa giisi giisi dhalay waxaan ko leeyahy waa jawaari shariif kiisa ayaa gobtey kaagana waa gobtey hada wali waxaa tahy waad kasoo nogkartaa iska daa taarikhda ayaa goreysaa wax walba madaxweyne madoobe nuunow maxamed ko taagnaaw moqofkaaga waxaa thy halyey r/k/galbeed gooleyso gool gool

  6. Aan su’aal idin waydiiyo qofka daaroodka waxuu aaminsan yahay inuu yahay soomaali dhalad ah hadii uu garoowe ka tago oo luuq dagana la mid yahay sida ninka maraykanka ah uga guuro atlanta goergia una dago new york sidaa darteed uusan eed lahayn sidoo kale waxuu aaminsan yahay madoobe nuunow inuu san soomaali ahayn maadaama gurigooda looga hadlo luqad kale oo mida wadanka aan ahayn marka dadku waa isku lunsan yahiine bal ha la iswaraysto.

  7. Horta madoobe nuunow ma xuma lkn waa inuu fiiri hada si lo socon karo iyo waqiqka hada jiro aniga waxaa qabaa arinta shabeele hoose madoobe nuunow haduun xooga sarin xitaa inuu meesha ka baxaayo wax la yiraado digil ninka madaxda 3 ama 6 midkood ha ahaado waa inuu soo fara galiyaa dagaalada shabeele hoose xoog iyo xiilo gobolka waxaa ka soo bixi dooda dad magac digil ka carari doono sida ilmo madaxwayn direeyd tuni iyo jiido iyo garre qeyb ka mid ah waana dadka gobolka ugu badan hada magac digil iyo mirifle ah. oo meesha ku lolami doonaan dir iyo hawiye Raxawayn waxaad u arki lahdahiin degmoyinka xurta ah shabaab laga xureeyey ee shbeele hoose oo kaliya loga hadlaa bu aale iyo saakow iyo wax la mid ah oo wali ahmed madoobe soo gaari karin ninkii mamul dhab ah digil iyo mirifle u wada meelaha xurta lagu arki lahaa ee xaafada baydhabo yaan laga boola xeyftayn

  8. Walalayaalow Prof.jawaari waa nin siyaasi ah oo danta reer k/galbeed ka shaqeynaya ,waana nin wanaagsan aan hadalkiisa qaadano oo aan sedaxda gobol ku midowno hadi kale sh/hoose ayey mooryaanta hawiye maamul usameysaneyaan anagna laba gobol oo midkoodna deked leheyn ayaa ino so haraya inta aan lix iyo sedax aan ku mashquulsanahay.

  9. lexda gobol waa la aas aasay weyna jireysaa inlaa inta uu cadowga ka dhamaado. umada degan lexda gobol wexey rabaan maamul lex gobol oo laga xukumo caasimada baydhabo baay. madoowe nuunow ku taagnow arinka aad faraha lagashay oo ahaa inaad badbaadiso umada ku nool lexda gobol.

Comments are closed.