Faah-Faahin dheeraad ah oo laga helay weerarkii caawa ee Madaxtooyada.

3
100

raadWaxaa weli kacsanaan iyo xaalad jahwareer ah ka taagan gudaha Villa Soomaaliya gaar ahaa Xafiiska Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed oo ay gudaha u galeen dagaalyahanada Alshabaab oo xoog kusoo jiiray ciidamadii ilaalada u ahaa mid ka mid ah irdaha laga soo galo Villa Soomaaliya.

Rasaas teel-teel ah oo ay ridayaan ciidamada dowladda ayaa weli laga maqlayaa gudaha Madaxtooyada waxaana sidoo kale magaalada ka dhex dhawaaqaya baabuurta daabusha dhaawaca ee loo yaqaano Ambalasada oo aaga Madaxtooyada ka daabulaya dhaawacyo.

Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in kooxihii weerarka geystay ay in muddo ah la wareegeen xafiiska Ra’isulwasaaraha Soomaaliya uu ku leeyahay madaxtooyada.

Warar hoose ayaa sheegaya in dableyda hubeysan ee Alshabaab ka tirsan ay gudaha u galeen xafiiska Ra’iisul wasaare C/weli Sheekh inkastoo madaxweyne Xasan Sheekh uu ka maqnaa xili weerarka uu dhacayay oo muddo ka hor uu isaga baxay goobta.

Waxaa ilaa iyo hada la ogayn waxa uu ku danbeeyay Ra’iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed oo ay xafiiskiisu galeen dagaal yahanada Al-Shabaab.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac ayaa jira oo soo gaaray Shaqaalaha madaxtooyada iyo qaar ka mid ah askartii ilaalada ka heysay Madaxtooyada oo iyagu weerarka lagu soo kadiyay.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa lagu soo waramayaa inuu goor hore ka sii baxay xurunta Madaxtooyada isagoo shir u joogay Garoonka Aadan Cade sida wararka qaar ay sheegayaan.

Xaaladda ayaa hadda ah mid aan weli laysku halayn karin walow ay howlgalo sameynayaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaana xiran waddooyinka gala Madaxtooyada oo ay gaaf wareegayaan baabuurta dhaawacyada qaadaysa iyo kuwa ay wataan ciidamada dowladda iyo AMISOM.

 

 

Daafeet.Com

3 COMMENTS

  1. aniga mar horena waan ka hadlay, waxaa ka socda soomaaliya ee haddii war iyo waano layska maqlayo barlamaanka sida uGu dhakhsiyaha badan ha u fariistaan ilayn iyaga ayaa kawakiil ah shacbiga , talabada xigtana ay noqoto inay xika ka qaadan madaxda sare ee dowladda haddi kale waxy sugahayaan waa in ay laysku qarxiyo oo ay halkaas ku baaba’aan, waayo soomaalidu waxay tiraahdaa ” nin sigtay ma noola “

  2. A/ wali inta uu ku mashquulsan yahay shacbi
    aan waxba Galabsan jisadiisa waa sidan
    tana waa Borsamiinto A/wali umada hakaa nabad gasho arinta sikastaba ha ahaatee dowladaada waa fashilantay adiga waa fashilantay is casil sida ugu dhaqsiyaha badan

  3. Abdiwali hadaan lagaqaadin xilka Wax matoosaayo waayo waa nin u daran dadkiisa waxna aan fahmeynin

Comments are closed.