DEG-DEG…Shabaab oo caawa weerar ku galay xarunta Madaxtooyada.

0
123

isniidaamWarar weli isa soo taraya oo haatan laga helayo magaalada Muqdisho ayaa waxay ku waramayaan in xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee loo yaqaano Villa Somalia uu haatan dagaal aad u xoog badan uu ka dhex socdo,Dagaalkan ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu ka bilowday Albaabka Villa Somalia ee xiga dhanka degmada Boondheere lana bilowday Aadaanka salaada Maqrib xiliga Muqdisho waxa uuna u dhexeeyaa ciidamada ilaalada Villa Somalia iyo kuwa Xarakada Shabaab oo iyagu weerarka ku soo qaaday Xarunta.

Weerarkan ay soo qaadeen Xarakada Shabaab ayaa waxa uu ku bilowday Qarax Ismiidaamin ah kadibna waxa uu isu rogay dagaal fool ka fool ah iyadoo ay wararka qaarna sheegayaan inay maleeshiyada xarakada Shabaab ay gudaha u galeen xarunta Madaxtooyada oo haatan uu gudaheedu dagaalka uu ka socdo.

Waxaa ilaa iyo hada aan la sheegi karin khasaaraha nafeed iyo midka dhaawac ee ka dhashay weerarkan iyadoo dhanka kalena aan lakala aqoon maydadka maadaama ay isku dhar xiranyihiin.

Weerarkan caawa ayaa imaanaya iyadoo maalmo ka hor sidan oo kale loo weeraray Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya.

Wixii kasoo kordhana kala soco Daafeet.com