Kulan looga hadlayo nabadgelyada degmada Baledxaawo ayaa degmada Dooloow ee gobolka Gedo uga furmay maamulka KMG ah ee Jubba iyo kan degmada Baledxaawo,si loo soo afjaro khilaafka siyaasadeed ee in dhowaalaba ka taagnaa Baladxaawo.Madaxweyne ku xigeenka maamulka KMG ah ee Jubba, Cabdullaahi Fartaag,wasiirka Caafimaadka Maamulka Jubba ,Xasan Daahir Yarow (Xasan dheere) iyo Guddoomiyaha degmada Baledxaawo Maxamuud Beexaani ayaa kala hoggaaminaya labada dhinac, waxaana kulanka looga hadlayaa mustaqbalka nabadgalyo ee Beledxaawo oo waayahan dambe uu ka jiray muran siyaasadeed.
Dhinaca kale Al Shabaabka ka taliya Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay ayaa waxay sheegeen inuu isku soo dhiibay Mas’uul katirsanaa Dawlada Somaliya kaasi oo si nabad gelyo ah loo cafiyey inuu mari karo meesha uu doono.
Ninka Al Shabaab ay sheegeen inuu isku dhiibay ayaa lagu Magcaabaa Cabdullaahi Max’med Sheekh “Cabdullaahi Doolad” waxaana uu ahaa Sargaal dhinaca amaanka uqaabilsanaa Wasiirkii Arimaha Dibada Dawladii Shariif Shiikh Axmed Hogaaminayey.
Halkan ka dhegayso warbixinta