Baaq kasoo baxay Qurbo joogta Gobolka Shabeelaha Hoose

6
77

shabelaha hose1Jaaliyada kasoo jeeda Gobolka shabeelaha hoose ee ku nool 5ta Qaradood ee aduunka ayaa shaley oo ey taariiqdu eheyd 17-2-2014 waxaa ey kulan aan caadi eheyn isugu yimaadeen qadka telfoonada ayagoo kala jooga dunida dacaladeeda, Kulankaas oo looga hadlayey arimaha foosha xun ee ka taagan gobolka shabeelaha hoose.

Kulankaas ayaa markii ugu horeysey waxaa lagaga hadley dagaalada kusoo noqnodey gobolka shabeelaha hoose wexeyna intooda badan isla garteen in dagaalkani uu yahay dagaal ey wax badan ka ogtahay dowlada federlaka somaliya raalina ka tahay.

Gabagabadii kulanka ayaa waxaa ka soo baxay baaq ku wajahan Dowlada federaalka iyo dhamaan shacabka deegaan ahaanta u leh gobolka shabeelaha hoose iyo dadka doonaya wanaaga iyo somalinimada.

1- In dowlada federalka somaliya ey ciidamo beeleedyadan kasoo kicitimey gobolada dhexe ey si deg deg ah uga saarto deegaanka.

2- in qof kastoo kasoo jeeda deegaanka iyo qof kastoo jecel in la helo nabad waarta in ey taageero buuxda siiyaan dadka isku xil qaamey iney ka hor tagaan xaqdarada ka jirta gobolka shabeelaha hoose.

3- In sida ugu dhaqsiyaha badan sharciga loo hor keeno dhamaan dadkii xasuuqa ka geystey gobolka shabeelaha hoose gaar ahaan xasuuqii dhawaan ka dhacay deegaanka number 50

4- In si buuxda loo taageero shirka ka socda magalada baydhabo ee la doonayo in maamulka loogu sameeyo 6 gobol ee koonfurta somaliya si looga xoreeyo kooxaha caadeystey xoolo iyo deegaan eysan laheyn in ey boobaan.

5- In meel looga soo wada jeesto la iskana celiyo runtana loo sheego caado qaatayaasha u dhashey deegaanka oo ku gor gortamaya dhiiga shacabka ey sheegaan iney matalaan maalin walbana gobolka la mataaneeya gobolo eysan shuqul isku laheyn.

6- In dowlada ey ka fiirsato kana waantowdo qodobada dadka iska hor keenaya ama abuuraya dagaalka ma eheyn in ey dowlada dad aan deegaanka u dhalan u xalaaleyso dhul eysan laheyn isla markaana ay u sameyso ciidamo ilaaliya, Hadeyba sida ey sheegayaan dhulka ay ayaga leeyihiin maxaa ilaalo looga sameynayaa waa su’aal u baahan in la is weydiiyo?.

Gabagabadii kulanka ayaa xaaji macow Macalin waxaa uu dhamaan shacabka reer shabeelaha hoose ku booriyey iney isku duubnaadaan si loo gaaro danta guud ee deegaanka la iskana sifeexo kooxaha uu ku tilmaaney iney yihiin nabad diid iyo nidaam diid.

Xaaji Macow waxaa kaloo uu intaasi ku darey in laga soo gudbey xiligii qoriga dadka lagu gumaadi jirey somalina ay hada dhamaantood barteen sida loo tuuro qoriga in ey haboonan laheyd in la dhaafo dagaalka nabadana laga shaqeeyo qof kastana deegaanka uu somali ka dagen yahay waa yaqaanaa in dib uu ugu laabto ilaaheyna  meeshiisa ku sugo qofkii nabad ku dugenaanaayo una hogaansamaayo sharciga ey sameysteen dadka deegaankana ey soo dhaweynaayaan.
Daafeet.Com

6 COMMENTS

  1. waan runtaada walaal waan kugu taageersanahay arinkaan dadka dhuulka laga heeysto waa DIGIL mana rabaan in ee dhimashada quuraan nabad hadaad rabto dagaal u diyaargarow mar walba, hadaanan dhimasho rabin waligaa xur manoqaneysi. war dhiig iku yeela quura nafta ee iska kiciya mooryaanta hawiye

  2. @xasan daafeet DIGIl dhimasho ayuu diidey, maanta digil oo dhan waxa ka itaal badan biimaal wayo biimaal muuriyaantii cayr casharo ayu u dhigay inuu dhimasho raba markii la ogadeyna habar gidir wa ka yaraadey hamigi ay u qabtay dhulka biimal iyo marko. lakin waxa rajo badan ka qabta, ama u jilcanaatay dhanka digilka. nin SIIDI la yirahdo oo muqaalka digil uga eg lakin xabadkiisa iyo fakarkiisa hawiye yahay aya digil dhulkiisa kuso hogaaminaya habar gidirti haysan jirtay.

    siidina waxa habar gidir uso hogaaminayo waa mamulka yaan lagugu qabsan iyo habar gidir cabsi u ka qabo nin xor ah mahaa.

    ugu danbeeyn somali oo dhan wa ogaatay in habar gidir la iska celin karo, oo la iska xoreyn karo, oo dhimaneyso BIIMAALa uga danbeyeey dhalan yaradiisa waxay ogaden inay la iska celin karo maantana kalsooni hor leeh aya gashey lakin AW DIGIL ayan wali ogeyn inay habar gidir naf leedahay oo dhimaneyso.

  3. gowalka shabellaha hoose lee maxa muran geliyay gowalada kaleba laguma murmeeee waxa sabab u eh dadkii lahaa ayaaa hurdaaya maxa nin digil eh gowalda dhexe mise gowalkan udhaw ee shabellaha dhexe xita xil ugu qawan waaayay digil hurdada ka kaca toosa wad hurdeysaane

  4. Ishisa laga arka ushisa lagu tuma, Neef kastana meeshu is dhiga lagu Bireya, Reer Shabela Hoose iney midobaan oo cadowga matadoda dhameynaya hantidoda gubaya waa iney iska celiyaan. Somalidu waxa ay ku maxmaxyoota QANINYO QANINYA KA FUJISO.UNITY Reer Shabelada Hoose si Jiritankina uu JIro. Waa Billahi Towfiq.

Comments are closed.