Roob xooggan ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii ugu dambeeyay ay ka da’een degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool iyo deegaannada ku xeeran.
Guddoomiyaha gobolka Bakool, Maxamed Cabdi Mayow ayaa sheegay in daadad xooggan oo ka dhashay roobka ay qaadeen Ari fara badan oo ay lahaayeen dadka deegaanka.
Mayow ayaa sheegay in daadadku ay saameeyeen suuqa weyn ee degmada oo ay gudaha u galeen biyaha bakhaaro waa weyn oo lagu keydiyo badarka iyo mooska.
Roobkan oo saacadihii ugu dambeeyay ka da’ay degmada Xudur iyo nawaaxigeeda ayaa sidoo kale waxa uu sababay in ay xirman isu socodka dadka iyo gaadiidka, inkastoo aanu jirin wax dad ah oo ay waxyeello ka soo gaartay daadadka.
Daafeet.Com