Golaha wakiilada ee maamulka puntland oo shaaciyey qodobada wax ka bedelka lagu sameeyey

0
346

Baarlamaanka Maamul-goboleedka Puntland ayaa si rasmi ah u shaaciyay qodobada wax ka bedelka lagu sameynayo ee Dastuurka maamulkaasi.

Qorshaha wax ka bedelka iyo meel-marinta Baarlamaanka ee ah in la furo Dastuurka ayaa dhawaan waxaa ka dhashay isku dhac hubeysan oo ka dhacay magaalada Garoowe, gaar ahana agagaarka xarunta Aqalka Wakiilada.

Fariin lagu baahiyay bogga rasmiga ah ee Baarlamaanka Puntland ee Facebook ayaa waxaa lagu shaaciyay in wax laga bedalayo qodobka 46-aad ee dastuurka Puntland, qodobka 56-aad, qodobka 64-aad, qodobka 7-aad iyo qodobada 112-113.

Qodobka 46-aad oo kamid ah qodobada Dastuurka ee wax ka bedelka lagu sameynayo ayaa waxa uu ku saabsan yahay xisbiyada siyaasadda, wuxuuna Baarlamaanka shaaciyay in wax ka bedelka lagu sameynayo qodobkaas la waafajin doono qodobada kale ee doorashooyinka.

Golaha Wakiilada Puntland ayaa sidoo kale waxa uu ku tilmaamay wax ka bedelka lagu sameynayo qodobka xisbiyada siyaasadda “si fursad loo siiyo ka qeyb-galka siyaasadda ee muwaadiniinta.”

Tallaabadaan ayaa uga sii dareysa xiisadda siyaasadeed ee ka taagan maamulka Puntland, iyada oo dhawaan Isimada gobolka Nugaal ay dalbadeen in la hakiyo tallaabooyinka wax ka bedelka Dastuurka Puntland illaa inta ay ka dageyso xiisadda siyaasadeed ee dhawaan isku rogtay gacan ka hadalka.