
Qoyska ay kasoo jeedo allaha unaxariistee Safiyo Cali Maxamed oo aheyd gabar aad u da’yar oo u dhimatay kufsi wadareed loogu geystay degmada Janaale ee gobolka Sh/hoose ayaa waxay sheegeen ineysan aasi doonin gabadhooda ilaa ay uga helaan Cadaalad.
Aabaha dhalay gabadha u geeriyootay kufsi wadareedka loo geystay Cali Maxamed ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya iney ka helaan cadaalad kufsiga loo geystay gabadhiisa, isagoona intaa ku daray inuusan aasi doonin gabadhiisa ilaa ay ka helaan Cadaalad.
Hooyada dhashay gabadha kufsiga u geeriyooday oo la ilmeyneysa xanuunka iyo murugada kasoo gaartay kufsiga gabadheeda yar loo geystay oo da’ ahaan jirtay 17 sano ayaa sidoo kale dalbatay in sharciga Islaamka loo marsiiyo dadkii gabadheeda sababta u noqday iney dhimato.