Wasiirka Wasarada Arimaha Dibada oo Kulan La Qaatey Ergeyga Qaramada Midoobey

0
81

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukumadda federaalka Soomaaliya Amb Axmed Ciise Cawad ayaa la kulmay Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan.

Labada masuul ayaa kawada hadlay iskaashiga qaramada midoobay iyo Soomaaliya iyo sidoo kale arrimaha xaalada gobolka.

Amb Axmed Ciise Cawad Sii hayaha wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ahaa ayaana warbixin ka siiyay ergayga qaramada midoobay ee Soomaaliya James Swan hormarka ay dowladda Soomaaliya ka gaartay arrimaha amaanka, xiriirka caalamiga aha ee saaxibada caalamka, dhaqaalaha iyo dib ukabashada dalka

Qaramada Midoobay ayaaa Soomaaliya waxaa ay siisaa taageero dhinacyada Amniga iyo Arrimaha Bani’aadanimada, waxaana sanad walba ay sheegtaa inay kordhineyso taageerada ay siiso Soomaaliya.