Maxkamada Ciidamada Qalab-sdia oo Xukun Xabsi Daa’in Ku Xukuntey Laba Dhalinyaro

0
89

Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay xukun ku riday laba xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo lagu qabtay dagaal ka dhacay degmada Deeyniile.

Xasan Cabdi Aadan Nuur & Cumar Xuseen Abshir Jaabir ayaa loo haystaa kamid ahaanshiyaha Alshabaab gaar ahaan in ay ahaayeen Sarkaal iyo Darawalkiisa si gaar ah uga shaqeyn jiray deegnada Xiriirsan ee Balcad & Basro.

Xasan Cabdi Aadan Nuur ayaa ahaa madixii Maaliyadda degmada Balcad u qaabilsanaa Alshaaab laakiin waxa uu ku qiray qiraalkiisa in ay caawinayeen koox iyaga ku tirsan oo uu weerarka ku qabsaday Doonka

Cumar oo isaga wada Mooto u ahaa Xasan ayaa isna Maxkamadda ka hor sheegay in uu ahaa nin iskiis isaga xamaasho laakiin Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa labada Shaqsi kuwada Eedeeyay in ay qayb ka ahaayeen weerar ay Alshabaab ku qaadeen Fariisin Ciidan November Sanadkii tegay.

Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalab Sida ayaa Maxkamadda u sheegay in ay labada Eedeysane wada ahaayeen Gurmad laakiin ciidamada ay u geysteen dhaawac Naafeen ah.

Qareennada u dooday labada Eedeysane ayaa iyagana Maxkamadda ka codsaday in loo Naxariisto maadaama labada eedeysane ay u aheyd howlgalkii ugu horreeyay ee dagaal oo ay kawada qayb galeen isla markaan uu dhaawaca ka soo gaaray labadaba.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida oo soo xiray fadhiga Maxkamadda ayaa Xasan Cabdi Aadan Nuur iyo Cumar Xuseen Abshir Jaabir kuwada xukumay Xabsi daa’in sida uu u sheegay dhinacyada Dacwadda.