Ciidamada Kenya ee qeybta ka ahaa howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ee ku sugnaa magaalada Baardheere ayaa lagu soo waramayaa in ay halkaasi isaga baxeen, ayagoo u jiheystay dhanka degmada Ceelwaaq iyo deegaanada kale ee ku xeeran soohdinta u dhexeeysa Kenya iyo Soomaaliya ee dhanka gobolka Gedo.
Gudoomiye ku xigeenka gobolka Gedo Ismaaciil Sheekh Cabdi Qorax (Koofi) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada Kenya ee mudada dheer ku sugnaa magaalada ay isaga baxeen, waxa uu sheegay in sidoo kale ay raaceen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo kamid ahaa ciidamadii kasoo qeybqaatay howlgalladii shabaab looga xoreeynayay qeybo ka tirsan gobolka.
Waxa uu sheegay in magaalada ay haatan ku sugan yihiin ciidamada xooga dalka guutada 9-aad iyo ciidamo AMISOM ah oo ka socda dalka Itoobiya, isagoo sheegay in ammaanka magaaladu yahay mid la isku haleyn karo.
Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya AMISOM ayaa magaalada Baardheere Al-shabaab kala wareegay bartamaha sanaddii 2015, waxaana magaaladu ay kamid ahayd magaalooyinka ugu muhiimsan ee lagala wareegay Al-shabaab.