Diyaarad Maanta Ku Dhacdey Dalka South Suudaan

0
64

diyaradDiyaarad xamuul oo Ruushku uu farsameeyo ayaa dhacday maanta oo Arbaco ah kaddib wax yar markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha magaalada Juba ee xarunta dalka South Sudan, iyadoo ay ku dhinteen ugu yaraan 41 ruux oo isugu jiray rakaabkii diyaaradda iyo dad kale oo dhulka joogay.

Shilka diyaaradeed ee maanta dhacay ayaa waxaa ka badbaaday mid ka mid ah shaqaalihii la socday diyaaradda iyo cunug yar, sida afhayeenka madaxtooyada dalka Koonfurta Sudan Ateny Wek Ateny uu warbaahinta ugu sheegay magaalada Juba.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaraddu ay dhacday wax yar kaddib markii ay garoonka Juba ka duushay, iyadoo ku dhacday dacalka webiga Niilka Cad, iyadoo burburka diyaaraddu uu daadsan yahay halkii ay ku dhacday.

Afhayeenka ayaa xusay in diyaaradu ay dishay tiro dad ah oo dhulka joogay, isagoo intaas ku daray in diyaaraddan uu nooceedu ahaa Antonov ay ku dhacday meel ay ku sugnaayeen dad kalluumeysato ah.