Maamulayaasha Idaacada Risaala oo Maanta Xabsiga Laga Sii Daayey

0
101

risalaSuxufiyiin ka tirsan Idaacadda Risaala ee Muqdisho ayaa laga sii daayay xabsiga ciidamada nabad-sugidda gobolka Banaadir, kaddib markii ay ku xirnaayeen shan maalmood, iyadoo ay idaacaddu weli hawada ka maqan tahay, sidoo kalena uu xabsiga ku jiro wariye idaacadda ka tirsan.

Wariyeyaasha lasii daayay ayaa waxay kala yihiin; agaasimaha Radio Risaala, Maxamed C/wahaab C/llaahi iyo tifaftiraha, Maxamed Kaafi Sh. Abuukar, iyadoo weli uu xabsiga ku jiro wariye, Maxamed Cabdi Cali oo la sheegay in uu yahay wariyihii sii daayay warka ku saabsan Ebola oo ahayd tii lagu xiray idaacadda.

Wariyeyaashan xabsiga laga sii daayay ayaa iyaguna sheegay inaysan wax dhibaato ah qabin oo ay wanaagsan yihiin caafimaad ahaan, waxaynse intaa ku dareen inaan dhibaato loo geysan intii ay xabsiga ku jireen.

Si kastaba arintu ha ahaatee waxaa dowladda Soomaaliya weli u xiran wariyeyaal kale oo ka howlgalaya idaacado ku yaalla Muqdisho, kuwaas oo ay ka mid yihiin kuwo ka howlgalayay labada idaaacdood ee Shabeelle iyo SKY FM oo dhawaan uu dib u dhac ku timid maxkamadeyntooda.