Alshabab oo Afar Ruux Xukun Dil Ah Ugu Fuliyey Degmada Baardheere

0
170

alshababFagaaro weyn oo ku yaala Degmada Baardheere ayaa maanta Alshabab waxaa ay ku toogteen 4 ruux oo ay ku eedeeyeen in ay yihiin Jaajuusiin u shaqeysa xukuumada federalka iyo qaar kaloo ka tirsan dowladaha caalamka.

Afartan ruux ayeey Shabaab ku xukumen dil toogasho ah, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha maxkamada Shabaab ee Gobolka Gedo.

Raga la toogtay ayaa waxaa magacyadooda lagu sheegay.

1-Cumara Muxamed Kheyr da’diisu waa 29 jir.

2-Cabdi Wali Muxamed Siraad da’diisu waa 40 jir.

3-Nuur Sheekh Rashiid Xaaji Xirsi da’diisa waa 40 jir

4-Cabdi Fataax Cusmaan Cabdulle da’diisu waa 21 jir.

Xukunka noocan oo ay fuliyaan alshabab ayaan aheyn midkii ugu horeeyey xukumo noocan oo kale ah waxaa ay dhowr jeer uga fuliyeebn degmada Baraawe, Jowhar iyo meelo kale oo badan.