Reysulwasaraha Xukuumada Federalka oo Maanta Furey Shirka Wadatashiga Xeerka Saxaafada

0
82

cabdi weli shRa’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustaf Sheekh Cali “Dhuxuloow”, ayaa galabta furay shirka wadatashiga xeerka Saxaafadda oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta.

Shirka ayaa soconaya muddo 2 cisho ah, waxaana ka soo qeyb galay wakiilo ka socday Hey’addaha warbaahinta, Ururada u dooda xuquuqda saxafiyiinta iyo guddiga madaxa banaan ee ku howlan diyaarinta xeerka saxaafadda Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Mustaf Sheekh Cali “Dhuxuloow” oo ugu horreyn kulanka ka hadlay ayaa sharaxay xiligii uu soo bilowday xeerkan saxaafadda iyo marxaladihii kala gadisanaa oo uu soo maray.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, oo Shirka ka hadlay ayaa ugu baaqay madaxda Warbaahinta iyo Wariyeyaasha Somaaliyeed inay taageeraan Xeerka Saxaafadda, waxaana uu sheegay in xeerkaan wax badan oo xuquuq ah siinayo saxafiyiinta, ujeedka ugu weyn ee laga leeyahay xeerkaana ay tahay in la helo qaab bulshadu ugu wada adeegto horumarka dalka.

Ugu dambeyntii, Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa sheegay in dowladdu ay ku jirto dagaal, loona baahan yahay in warbaahintu ay gacan ka geysato sidii looga adkaan lahaa kooxaha dhibaatada ku haya wariyeyaasha iyo bulshadda qaybaheed kala duwan.

 
Daafeet.Com