Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida Oo Maanta Wiil Dhalinyaro Ah Ku Xukuntey Dil

0
127

courtWiil dhallinyaro ah oo doonayay inuu isku qarxiyo hoteelka Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa dil toogasho ah ku xukuntay maxkamadda milateriga dalka.

Caawiye Axmed Jaamac oo 25-jir ah ayaa waxaa la sheegay inuu bishii November 2013-ka doonayay inuu isku-qarxiyo gudaha hotel Maka Al-Mukamara balse ay wax ka qaldameen, taasoo keentay in ciidamada amnigu ay gacanta kusoo dhigaan.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada xoogga dalka, Col. Liibaan Cali Yarow ayaa sheegay in eedeysane Caawiye uu qirtay inuu dambiga galay, uuna qareenka ninkan dalbaday in laga qafiifiyo xukunka maadaama uu qirtay dambigiisa.

“Maxkamadda ciidamada waxay caddeymo buuxda iyo markhaatiyaan u heshay dambiga lagu soo oogay Caawiye Axmed Jaamac, isaguna wuu qirtay inuu galay dambigaas, sidaa daraadeed maxkamadda ciidamadu waxay ku xukuntay dil, “ ayuu yiri Col. Liibaan Cali Yarow markii uu xukunka ku dhawaaqayay.

Sidoo kale, guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada ayaa sheegay in muddo 30-maalmood ah uu ka qaadan karo dambiilaha la xukumay rafcaan xukunkiisa, haddii muddadaas la dhaafana uu xukunku noqonayo mid aan waxba laga bedeli karin.

 
Daafeet.Com