{"id":49788,"date":"2022-11-27T04:24:00","date_gmt":"2022-11-27T01:24:00","guid":{"rendered":"https:\/\/www.daafeet.com\/?p=49788"},"modified":"2022-11-27T16:34:37","modified_gmt":"2022-11-27T13:34:37","slug":"axmed-luqmaan-oo-ka-hadley-siyaasada-maldahan-ee-ka-taagan-koonfur-galbeed","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.daafeet.com\/2022\/11\/27\/axmed-luqmaan-oo-ka-hadley-siyaasada-maldahan-ee-ka-taagan-koonfur-galbeed\/","title":{"rendered":"Axmed Luqmaan oo ka hadley siyaasada maldahan ee ka taagan koonfur galbeed"},"content":{"rendered":"\n

Axmed Maxamed Luqmaan oo ah odayaasha kasoo jeeda gobolka shabelaha hoose ayaa ka hadlay xaaladda guud ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, gaar ahaan khilaafka ka taagan doorashada.<\/p>\n\n\n\n

Axmed Luqmaan oo wareysi gaar ah siiyey Universal TV ayaa ka falceliyey shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo uu dhowaan ku baaqay guddoomiyaha Golaha Shacabka.<\/p>\n\n\n\n

Axmed ayaa shaaca ka qaaday in xilligan aysan Koonfur Galbeed u baahneyn dib u heshiisiin ee ay baahan tahay dib u sixid maamul, sida uu hadalka u dhigay.<\/p>\n\n\n\n

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in shacabka degan Shabeelaha Hoose ay ku hoos dulman yihiin Koonfur Galbeed, isaga oo tilmaamay inay xuquud badan uga maqan tahay.<\/p>\n\n\n\n

Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in laga shaqeeyo midnimada maamulka iyo sidii loo hagaajin lahaa mustaqbalka Koonfur Galbeed, maadaama doorasho la galayo.<\/p>\n\n\n\n

\n