{"id":4116,"date":"2013-02-02T03:36:07","date_gmt":"2013-02-02T03:36:07","guid":{"rendered":"http:\/\/daafeet.com\/?p=4116"},"modified":"2013-02-02T03:36:07","modified_gmt":"2013-02-02T03:36:07","slug":"wariye-cabdicasiis-koronto-imtixaan-maanta-horyaalo-cadaalada-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.daafeet.com\/2013\/02\/02\/wariye-cabdicasiis-koronto-imtixaan-maanta-horyaalo-cadaalada-soomaaliya\/","title":{"rendered":"Wariye Cabdicasiis Koronto…..Imtixaan maanta horyaalo Cadaalada Soomaaliya!"},"content":{"rendered":"
<\/a>Waxaa maanta oo Sabti ah laga dhul sugayaa waxa kasoo bixi doono Maxkamadeynta Wariye Cabdicasiis Cabdinuur Ibraahim Koronto oo loo haysto inuu been abuur ka sameeyay arimo la xiriira kufsi sida lasheegay ciidamada Booliiska Dowlada Soomaaliya ay u gaysteen Haweeney ka mid ahayd Barakacayaasha kunool xaafada Hodan ee magaalada Muqdisho.<\/p>\n Eedan loo haysto Wariye Cabdicasiis Cabdinuur Ibraahim Koronto ayaa dhowr jeer maxkamadu dib u dhigtay kadib kolkii denbi oogayaashu ay soo bandhigi waayeen cadaymo la qaadan karo sidoo kale ayaa Eedan loo haysto Wariye Cabdicasiis Cabdinuur Ibraahim Koronto waxay u muuqataa mid dhanka Dowlada aad looga siyaasadeeyay isla markaan aan loo kala harin ka hadalkeeda sida Madaxweynaha,Ra’isulwasaaraha,Wasiirka Cadaalada,Taliyaha Booliiska,Xaaska Ra’isulwasaaraha iyo mas’uuliyiinkale oo dhanka dowlada ah intubana waxay Wariye Cabdicasiis Cabdinuur Ibraahim Koronto ku xukumayeen inuu dembi galay ka hor inta aan maxkamaduba maxkamadayn halka ururada Suxufiyiinta,Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNPOS,ururada u dhaqdhaqaaqa xuquuqda Bani’aadamka iyo waxgarad ka tirsan bulshada Soomaaliyeedna ay il gaar ah ku eegayaan qaabka ay u dhacayso maxkamada Wariye Cabdicasiis Cabdinuur Ibraahim Koronto iyagoo marar badan maxkamada u diray fariimo ku aadan in wariyuhu uu helo maxkamad caadil ah.<\/p>\n