{"id":26039,"date":"2016-05-29T14:42:41","date_gmt":"2016-05-29T14:42:41","guid":{"rendered":"http:\/\/daafeet.com\/?p=26039"},"modified":"2016-05-29T14:42:41","modified_gmt":"2016-05-29T14:42:41","slug":"daawo-dowlada-jabuuti-oo-maanta-deeq-raashin-ah-gaarsiisey-dadku-ku-barakacay-fatahaadii-ka-dhacdey-baledweyne","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.daafeet.com\/2016\/05\/29\/daawo-dowlada-jabuuti-oo-maanta-deeq-raashin-ah-gaarsiisey-dadku-ku-barakacay-fatahaadii-ka-dhacdey-baledweyne\/","title":{"rendered":"Daawo Dowlada Jabuuti oo Maanta Deeq Raashin Ah Gaarsiisey Dadku Ku Barakacay Fatahaadii Ka Dhacdey Baledweyne"},"content":{"rendered":"

Dowlada jabuuti ayaa maanta waxaa ay deeqo isugu jira Bariis, Sokor, Bur iyo Saliid, gaarsiisey Dadkii Dhawaan ku Barakacay Fatahaaddii ku Dhufatay magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.<\/p>\n

Qaybinta Raashinkaan, Waxaa Goob-joog ka ahaa Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya, Dayib Dubad Rooble, Wasiirro ka socday Dowladda Federaalka, Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Saraakiil Ciidan.<\/p>\n

Safiirka Jabuuti, ayaa sheegay inay Deeqdan si gaar ah uga timid marwada madaxweynaha Jabuuti, Khadra Maxamuud Xeyd oo sidda uu hadalka u dhigay markii ay aragtay xaaladda Beledweyne garatay in dadka barakacay ugu deeqdo raashinkan.<\/p>\n