{"id":24548,"date":"2016-02-10T19:21:48","date_gmt":"2016-02-10T19:21:48","guid":{"rendered":"http:\/\/daafeet.com\/?p=24548"},"modified":"2016-02-10T19:21:48","modified_gmt":"2016-02-10T19:21:48","slug":"daawo-sawirada-madaxweyne-ku-xigeenka-dalka-ciraaq-oo-maanta-booqasho-ku-tegey-magalada-muqdisho","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.daafeet.com\/2016\/02\/10\/daawo-sawirada-madaxweyne-ku-xigeenka-dalka-ciraaq-oo-maanta-booqasho-ku-tegey-magalada-muqdisho\/","title":{"rendered":"Daawo sawirada Madaxweyne ku Xigeenka Dalka Ciraaq oo Maanta Booqasho Ku Tegey Magalada Muqdisho"},"content":{"rendered":"
<\/a>Madaxweyne ku xigeenka dalka Ciraaq, horayna u soo noqday RW-hii Ciraaq, Ayad Allawi & Wafdi uu Hor-kacayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, iyagoo kulammo la qaatay madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh iyo RW Sharma\u2019arke.<\/p>\n Wafdiga uu hoggaaminayo Allawi ayaa waxaa garoonka Muqdisho kusoo dhaweeyay RW Somalia, Xubno ka tirsan Wasiirrada iyo Baarlamaanka Somalia, iyadoo ay soo dhaweynta qayb ka ahaayeen safiiradda Somalia u fadhida dalka Ciraaq.<\/p>\n Kulanka dhexmaray Ayad Allawi iyo Madaxda Somalia ayaa waxaa looga hadlay Xoojinta Xariirka labada Dal iyo sidii Somalia iyo Ciraaq ay isaga kaashan lahayeen La-dagaallanka Argaxisada iyo sidii dowladda Ciraaq ay gacan u siin lahayd dowladda federaalka Somalia.<\/p>\n Dhanka kale, madaxweyne ku xigeenka Dalka Ciraaq, Ayad Allawi ayaa wuxuu sidoo kale booqday dhismaha Baarlamaanka Somalia, halkaasoo uu hadal aad u kooban ugu jeediyay xildhibaannada baarlamaanka, isagoo sheegay in Somalia iyo Ciraaq uu ka dhexeeyo xiriir wanaagsan.<\/p>\n Ugu dambeyn, Guddoomiyaha baarlmaaanka Somalia Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo isaguna la hadlay xildhibaannada baarlamaanka ayaa sheegay inay u tahay sharaf weyn Baarlamaanka Somalia inay soo dhaweeyaan Ayad Allawi.<\/p>\n <\/a><\/p>\n <\/p>\n <\/p>\n <\/p>\n <\/p>\n <\/p>\n <\/p>\n <\/p>\n <\/p>\n <\/p>\n <\/p>\n <\/p>\n <\/a><\/p>\n <\/p>\n <\/p>\n <\/p>\n <\/p>\n <\/p>\n <\/p>\n <\/p>\n <\/p>\n <\/p>\n <\/p>\n <\/p>\n