{"id":21216,"date":"2015-06-24T00:58:15","date_gmt":"2015-06-24T00:58:15","guid":{"rendered":"http:\/\/daafeet.com\/?p=21216"},"modified":"2015-06-24T00:58:15","modified_gmt":"2015-06-24T00:58:15","slug":"maqaalkeena-waxaan-leenahay-shariifow-xasanow-kuwii-kaa-horeeyay-waxay-ka-xishoodeen-ayaad-adigu-ka-xishoon-weysay","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.daafeet.com\/2015\/06\/24\/maqaalkeena-waxaan-leenahay-shariifow-xasanow-kuwii-kaa-horeeyay-waxay-ka-xishoodeen-ayaad-adigu-ka-xishoon-weysay\/","title":{"rendered":"MAQAALKEENA WAXAAN LEENAHAY SHARIIFOW XASANOW KUWII KAA HOREEYAY WAXAY KA XISHOODEEN AYAAD ADIGU KA XISHOON WEYSAY:"},"content":{"rendered":"

\"shariif-Xasan-11\"<\/a>
\nAnagoo ah Siyaasiyiinta,Aqoon yahanada,Culuma\u2019udiinka,Ganacsatada iyo Haweenka ka soo jeeda deegaanada koonfur galbeed gaar ahaan G\/SH\/Hoose waxaan halkaan ku cadeeneynaa gardarada qaawan ee maamulka shariif sakiin uu ku hayo deegaanada koonfur galbeed gaar ahaan G\/SH\/Hoose isagoo ku tuntay Dastuurkii ku meel gaarka ee maamulka Goboleedka KGSoomaaliya. Ugu horeyntii waxaan fariinteeynu ku wajahan tahay oo aan rabnaa in ay nala ogaadaan dhamaan shacab weynaha soomaaliyeed, Dowlada Federaalka Soomaaliya,Qaramada midoobay UN.Ururka Hormarinta geeska Afrika IGAD, Ururka midnimada afrika AU, Jaamacada Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka OIC, Waxaan u sheeganaa in uu si barer ah ugu xadgudbay dastuurkii ku meel gaarka ahaa ee lagu soo dhisay waxaan maqaalkena ku soo bandhigi doonaa qodobo ka mid ah dastuurka iyo war bixino kale. Markii la dooranayay isagoo dadkiisa soo sharaxay uu ka bixiyay lacagihii sharuudaha ahaa ee ay gudiga doorashadu ku xireen musharixiinta oo dhameyd qofkii $5,000, Lana soo xulay shan qofood oo uu ka bixiyay lacagahaas laguna balamay in maalinta doorashadu dhacayso ay soo istaagaan ka dibna ay ka tanaasulaan si uu isagu ugu soo baxo ileen ma uusan heli laheyn hadii ay doorasho xalaal ah ay meesha ka dhacdo dhamaan lacagihii uu shubayna dib ayaa loogu soo celiyay. Qodobka 44aad: <\/strong>Golaha Fulinta (Xukuumadda)<\/strong> Hay\u2019adda Fulinta ee Dowlad Goboleedka waxay ka kooban tahay:- Madaxweynaha Madaxweyne ku xigeenada. Wasiirro Wasiir ku xigeenno Qodobkaan waxuu ka hadlayaa Golaha fulinta isla qodobkaan waxaa lagu soo daray wasiiru dowlayaal oo aanba ku jirin meesha, isagoo wiil uu adeer u yahay ka dhigay wasiiru dowlaha madaxtooyada oo lagu magacaabo mursal kaasoo wada maamula wasaaradaha oo dhan haystana dhamaan Emailada wasaardaha halka ay wasiiradaha oo dhana aysan u madax banaaneen in ay la xiriiraan caalamka intiisa kale. Qodobka 45aad:<\/strong> Doorashada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka. Laga billaabo maalinta la doorto madaxweynaha, Lixdan maalmood (60) gudahood odayaasha dhaqanka waxay ku soo xulayaan xubnaha golaha wakiilada. Qodobkaan 45aad farqadiisa 4aad waxuu ka hadlayaa maalinta la doorto madaxweynaha Lixdan maalmood (60) gudahood odayaasha dhaqanka waxay ku soo xulayaan xubnaha golaha wakiilada, Ilaa iyo hada isagaa diidan in la soo xulo baarlamaanka. Cutubka 8aad: Baahinta Maamulka. Qodobka 77aad: Baahinta Maamullada Gobollada iyo Degmooyinka 1. Dowladda Goboleedka Koonfur-galbeed waxay ku dhaqmeeysaa Mabaadi\u2019da baahinta xukunka heer tuulo, degmo & gobol. 2. Maamulada Degmooyinka iyo Gobolada waxay ku dhismayaan habka is maamulka bulshada, waxaana lagu dhisayaa xeer u gaar ah ay soo gudbisay xukuumada golaha wakiiladuna ansixiyaan. Qodobkaan isna waxuu ka hadlayaa baahinta maamulada gobolada iyo degmooyinka, Sidaad ogsoon tihiin waxaa baryahan socota isbadal uu ku sameenayo maamulada degmooyinka iyo gobolada waxaa is weydiin mudan wasiir aan cod kalsoonida ka haysan baarlamaanka in uu magacaabo gudoomiyayaal degmo ama mid gobo lama aysanba jirin xeerkii gaarka ahaa ee ay soo Gudbin lahaayeen xukuumada golaha wakiiladuna ay ansixin lahaayeen, Ugu danbeentii xukuumad la ansixiyay oo xeer soo gudbineyso meesha ugama jeedno golo wakiilo ah oo dhisana ma laha oo wax ansixisa. BAL FIIRIYA QODOBKAAN 40aad WASIIRADU IN AY ANSAXSAN YIHIIN IYO IN KALE<\/strong> Qodobka 40aad:Awooda iyo Waajibaadka Golaha Wakiilada (Baarlamaanka) Golaha Wakiilada waxay leeyihiin awood sharci dejin oo ah: Doorashada Guddoomiyaha Golaha Wakiilada iyo ku xigeenadiisa 1aad iyo 2aad. Sameynta iyo ansixinta xeer \u2013 hoosaadka Golaha Wakiilada. Kalsooni siinta ama u diididda Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka. Ogolaanshaha, wax ka bedelka ama diididda miisaaniyadda Dowlad Goboleedka. Ansixinta, wax ka bedelka ama diididda shuruucda ay u soo gudbinayaan Golaha wasiirada. Ka doodidda iyo u codeynta moshin ka dhasha Golaha Wakiilada dhexdooda ama mooshin ay soo jeediyeen ugu yaraan toban Kun oo qof oo ka mid ah shacabka dowlad goboleedka. Qodobka 8aad: Muwaadinka iyo Jinsiyadda Muwaadinnimada Dowlad Goboleedka waxaa soo cadeynaya: Degmada uu qofka ka soo jeedo. Qodobkaan Waxuu ka hadlayaa Muwaadinka iyo Jinsiyada mal isna nala arka farqadiisa 1aad, Qofka markuu Muwaadin yahay ayuu wax maamulaa waxaan aan u jeednaa in inta uu soo magacaabay oo ku xira xukuumada iyo maamulada siiba kan Sh\/Hoose iyo degmooyinka uu hada magacaabayba ay u badan yihiin dadkii duulaanka ku ahaa deeganada uu hada u magacaabay. Qodobka 34aad: Waajibaadka Muwaadiniinta<\/strong> 1. Muwaadin kasta waxaa waajib ku ah adkanyta Nidaamka Ummadda iyo Ilaalinta Dowladdnimada. 2. Muwaadin kasta waxaa waajib ku ah dhowridda Diinta Islaamka, Dastuurka, Xeerarka dalka iyo bixinta Canshuuraha ku waajibey. 3. Muwaadin kasta waxaa waajib ku ah ka qaybgalka difaaca Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed markii loogu yeero ama ay la gudboonaato. 4. Xeer ayaa qeexaya ciqaabta ka dhalan karta gudasha la\u2019aanta waajibaadka ku xusan faqrada 1aad, 2aad iyo 3aad ee Qodobkan. Sidaad aragtaanba qodobkaan waxuu ka hadlayaa waajibaadka muwaadinka farqadiisa 2aad waxuu ka hadlayaa dhowrista Dastuurka, Ugu danbeentii Waxaan codsan laheyn in hogaamiyahaan ku xadgudbay dastuurka la soo taago maxkamada caalima ah isagoo markii hore ku mar marsiyoon jiray waxaa gacanta ka baxaysa Sh\/hoose hadaan la dhisin dowlad goboleedna ay gacanta ka baxayso dadkii uu noogu beer laxawsanaayay in uu ka soo dhiciyo ayuu u sharciyeeyay hada inta dhiman uu rabaa in uu u sharciyeeyo taasna waxaan leenahay waan diidnay Shariifoow. DADKII KAA HOREEYAY WAXAY KA XISHOODEEN WAAYE ADIGANA WAXAAN KUULA TALINEYNAA IN AAD KA WAANTOWDID, HADII AAD KA WAANTOOWI WEYDO OGOW NINA SANDULE WAX LAGUMA MARSIIN KARO TAASNA WAAN DIIDNAY WAANA KA TASHANAY. Waxaan kaloo halkaan aan ku faah faahin doonaa sida uu awooda ugu gacan geliyay jufada uu ka soo jeedo ee ashraafta ah. Bashiir Fircoon waa wiil uu adeer u yahay, Waxuu u dhiibay dhamaan wixii qandaraasyo ah ee laga fulinayo dowlad goboleedka iyo biilka ay cunayaan wasiirada markey joogaan baydhabo Mursal oo ah wiil uu adeer u yahay oo uu ku magacaabay wasiir dowleha madaxtooyada, Waxuu maamulaa dhamaan wasaaradaha oo dhan iyo lacagta isbaarada afgooye laga qaado oo dhan maalintii $17,000-$23,000. Madeer waa nin ay walaalo yihiin oo isna ku magacaaban la taliyaha arimaha siyaasada waxuu u qaabilsan yahay wax alaale wixii loogu deeqo ah ee ay siiyaan wadamada caalamka. Asad waa wiil uu adeer u yahay oo uu ku magacaabay dhamaan wixii shirar ah oo looga hadlaayo New Deal-ka Waxa kaloo la yaab le in uu wasiirkii arimaha gudaha uu wado qofkii uu magacaabayo uu lacag ka qaato ugu yaraan $40,000 waa degmoouinka halka gobolkana laga qaadayo qofkii wax intaas kasii badan ama labalaab. \u00a0 madeey_12@gmail.com Wabilaahi Towfiiq<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"

Anagoo ah Siyaasiyiinta,Aqoon yahanada,Culuma\u2019udiinka,Ganacsatada iyo Haweenka ka soo jeeda deegaanada koonfur galbeed gaar ahaan G\/SH\/Hoose waxaan halkaan ku cadeeneynaa gardarada qaawan ee maamulka shariif sakiin uu ku hayo deegaanada koonfur galbeed gaar ahaan G\/SH\/Hoose isagoo ku tuntay Dastuurkii ku meel gaarka ee maamulka Goboleedka KGSoomaaliya. Ugu horeyntii waxaan fariinteeynu ku wajahan tahay oo aan rabnaa […]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"jetpack_post_was_ever_published":false,"_jetpack_newsletter_access":"","footnotes":"","jetpack_publicize_message":"","jetpack_is_tweetstorm":false,"jetpack_publicize_feature_enabled":true,"jetpack_social_post_already_shared":false,"jetpack_social_options":{"image_generator_settings":{"template":"highway","enabled":false}}},"categories":[5,1],"tags":[],"jetpack_publicize_connections":[],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_sharing_enabled":true,"jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p89N1L-5wc","_links":{"self":[{"href":"http:\/\/www.daafeet.com\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21216"}],"collection":[{"href":"http:\/\/www.daafeet.com\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/www.daafeet.com\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.daafeet.com\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.daafeet.com\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=21216"}],"version-history":[{"count":0,"href":"http:\/\/www.daafeet.com\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21216\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/www.daafeet.com\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=21216"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.daafeet.com\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=21216"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.daafeet.com\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=21216"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}