{"id":19813,"date":"2015-03-30T01:15:59","date_gmt":"2015-03-30T01:15:59","guid":{"rendered":"http:\/\/daafeet.com\/?p=19813"},"modified":"2015-03-30T01:15:59","modified_gmt":"2015-03-30T01:15:59","slug":"daawo-videowgan-maamulka-shariif-xasan-ma-wuxuu-noqdey-kelinka-lexdaad-ee-ethiopia","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.daafeet.com\/2015\/03\/30\/daawo-videowgan-maamulka-shariif-xasan-ma-wuxuu-noqdey-kelinka-lexdaad-ee-ethiopia\/","title":{"rendered":"Daawo Videowgan:- Maamulka Shariif Xasan Ma Wuxuu Noqdey Kelinka Lexdaad ee Ethiopia"},"content":{"rendered":"

\"sakiin\"<\/a>Waxaa maalintii shaley magalada baydhabo ka dhacay sagootin loo sameeeyay qaar ka mid ah ciidanka Ethiopia ee ku sugnaa gobolada koonfur galbeed balse waxaa cajaa’ib noqotey kolkii meeshaba laga waayey calankii somaaliyeed iyo midkii ay lahaayeen maamulka shariif kaasoo lagu wada bedeshey in garbaha la saarto calanka Ethiopia.<\/p>\n

Vidiyowgan ayaa waxaa kaloo ka dhex meeqda Taliyaha ciidanka boliska gobolka Bay oo isna dhabarka ku tisa calanka dowlada Ethiopia waxaa kaloo ayana ku jira qaar kaloo ka tirsan ciidanka xooga dalka somaliyeed iyo masuul ka tirsan maamulka shariif oo ayagana huwan calanka itoobiya balse suaalaha la is weydiinayaa ayaa waxaa ay yihiin maamulkan ma wuxuu ku biirey dowlada Ethiopia ma wuxuu noqdey kelinka lexaad maadaama kii shanaad horey loo heystey.<\/p>\n