{"id":16169,"date":"2014-08-19T17:04:32","date_gmt":"2014-08-19T17:04:32","guid":{"rendered":"http:\/\/daafeet.com\/?p=16169"},"modified":"2014-08-19T17:04:32","modified_gmt":"2014-08-19T17:04:32","slug":"baarlamaanka-oo-soo-dhaweeyey-xakameynta-hubka-culus","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.daafeet.com\/2014\/08\/19\/baarlamaanka-oo-soo-dhaweeyey-xakameynta-hubka-culus\/","title":{"rendered":"Baarlamaanka oo soo Dhaweeyey Xakameynta Hubka Culus"},"content":{"rendered":"

\"barlamanka-cusub\"<\/a>Guddiga joogtada ah ee baarlamanka Soomaaliya oo 17-kii bishan ka dhageystay xukuumadda Soomaaliya warbixin ku saabsan howl-gallada xakameynta hubka iyo siyaasadda ay u dejisay, uuna goobjoog ka ahaa ra\u2019iisul wasaaraha Somalia, ayuu guddigu warbixin kasoo saaray maanta qorshaha xakameynta hubka sharci-darrada ah.<\/p>\n

Kulan gaar ah oo uu guddigu yeeshay shalay ayay si aad ah ugu falanqeeyeen warbixinta xukuumadda Somalia, ayay mabda\u2019 ahaan u ayideen in la xakameeyo hubka, ayna ka mid tahay waajibaadka uu golaha baarlmaanku u xilsaartay xukuumadda.<\/p>\n

Guddigu ayaa sheegay in xukuumaddu ay awood buuxda u leedahay suggida amniga sida uu qabo qodobka 99-aad ee dastuurka Soomaaliya faqradiisa F. iyadoo guddigu hoosta ka xariiqay waajibka saaran xukuumadda iyo amniga shacabka sida uu qabo qodobka 126-aad faqraddiisa koowaad oo oranaya.<\/p>\n

Sidoo kale, gudigu wuxuu soo jeediyay in xukuumadu hubiso la xisaabtanka laamaha amniga, iyadoo xaqiijinaysa sarreynta sharciga iyo ilaalinta xuquuqda dadweynaha – si waafaqsan faritaanka dastuurka ee qeexaya inay hay\u2019adaha rayidka ah kormeeraan hay\u2019adaha amniga ee hubka sita sida uu qabo qodobka 126-aad ee dastuurka dalka faqraddiisa lixaad.<\/p>\n

Guddiga wuxuu xusay inuu xukuumadda xusuusinayo in dastuurka dalka si adag u xaqiijiyay xurmada guryaha, iyadoo uu si cad ugu qeexayo qodobka 19-aad ee dastuurka faqraddiisa koowaad oo oranaya.<\/p>\n

Warbixint ayaa lagu sheegay in guddigu u soo jeedinayaa xukuumadda inay dalka oo dhan ku baahiso fulinta siyaasaddeeda xakameynta hubka iyadoo u maraysa dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka.<\/p>\n

Daafeet.Com<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"

Guddiga joogtada ah ee baarlamanka Soomaaliya oo 17-kii bishan ka dhageystay xukuumadda Soomaaliya warbixin ku saabsan howl-gallada xakameynta hubka iyo siyaasadda ay u dejisay, uuna goobjoog ka ahaa ra\u2019iisul wasaaraha Somalia, ayuu guddigu warbixin kasoo saaray maanta qorshaha xakameynta hubka sharci-darrada ah. Kulan gaar ah oo uu guddigu yeeshay shalay ayay si aad ah ugu […]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"jetpack_post_was_ever_published":false,"_jetpack_newsletter_access":"","footnotes":"","jetpack_publicize_message":"","jetpack_is_tweetstorm":false,"jetpack_publicize_feature_enabled":true,"jetpack_social_post_already_shared":false,"jetpack_social_options":{"image_generator_settings":{"template":"highway","enabled":false}}},"categories":[1],"tags":[],"jetpack_publicize_connections":[],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_sharing_enabled":true,"jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p89N1L-4cN","_links":{"self":[{"href":"http:\/\/www.daafeet.com\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16169"}],"collection":[{"href":"http:\/\/www.daafeet.com\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/www.daafeet.com\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.daafeet.com\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.daafeet.com\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=16169"}],"version-history":[{"count":0,"href":"http:\/\/www.daafeet.com\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16169\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/www.daafeet.com\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=16169"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.daafeet.com\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=16169"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.daafeet.com\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=16169"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}