{"id":15575,"date":"2014-07-24T08:19:00","date_gmt":"2014-07-24T08:19:00","guid":{"rendered":"http:\/\/daafeet.com\/?p=15575"},"modified":"2014-07-24T08:19:00","modified_gmt":"2014-07-24T08:19:00","slug":"yaa-dilay-saado-cali-warsame","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.daafeet.com\/2014\/07\/24\/yaa-dilay-saado-cali-warsame\/","title":{"rendered":"Yaa Dilay Saado Cali Warsame?"},"content":{"rendered":"

\"Saado-cali-Warsame\"<\/a>T<\/strong>ani waa su’aal ay isweydiinayaa guud ahaan dadka ku hadla Afka Soomaaliga meel kasta oo ay caalamka maanta ka joogaan gudaha Jamhuuriyada iyo Dibaduba,In loo helo jawaab waafiyana waxay u baahan tahay ogaal badan iyo in la muujiyo taxadir dheeraad ah si loo ogaado Dulmi falayaasha misna aan loogu xadgudbin xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed.<\/p>\n

D<\/strong>ilka ladilay Saado ma ahan dilkii ugu horeeyay ee lagula kaco ruux qalbiga ummada ku weyn mana noqon doono kii ugu danbeeyay ee lagu beegsado dadka wax galka ah bulshashada Soomaaliyeed.
\nH<\/strong>adaan usoo laabto baadi goobka Jawaabta Su’aashan ah Yaa Dilay Saado waxaa ii soo baxaya dhowr sawir oo mid waliba wata muuqaalkiisa.<\/p>\n

Xarakada Shabaab.<\/strong><\/p>\n

W<\/strong>axaa aad u sahlan in la yiraahdo Saado waxaa dilay Xarakada Shabaab iyadoo welibana sheegtay dilkeeda balse sida aan kawada dheregsanahay Shabaabka oo kaliya ma ahan kuwa geysta dilalka ka dhaca Muqdisho hayeeshee waxaa kaloo jiro kooxo kale oo u abaabulan qaab beeleed oo iyaguna qayb ka ah dilalka naxariis darada ah ee ka dhaca Muqdisho sida uu ka dhawaajiyay Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Cabdiraxmaan Maxamuud Tuuryare.<\/p>\n

Dowlada Fedraalka<\/strong><\/p>\n

T<\/strong>uhunka dilalka ka dhacaya Muqdisho kuma koobna mucaaradka Dowlada oo kaliya magac kasta iyo muuqwalba haloo yeelee balse waxaa jira Dilal raadkoodu ku soo dhamaado Xarunta Madaxtooyada taana waxay ka dhigan tahay in dowlada hada jirta aanay sina uga baxsanay dilalka qorshaysan ee haatan ka dhacaya Muqdisho halka madaxda Dowladuna warkoodu ku soo koobmo waan daba gali doonaa oo waan soo qaban doonaa waxaana gayn doonaa maxkamad iyadoo aanay jirin ilaa iyo hada cid loo soo qabtay dilalka tira dhaafka noqday ee Muqdisho ku habsaday,Hadaladan ay marwalba ummadda horteeda lasoo istaagaan madaxda ayaa shacabka u arkaan Qori ismaris iyo Qiiq isku qarin.<\/p>\n

Baarlamaanka<\/strong><\/p>\n

G<\/strong>uuxa Xildhibaanada Baarlamaanka ee ku aadan cida beegsanayso Xildhibaanada ayaa waxaa aad looga dareemi karaa inay tuhmayaan Xildhibaanadu wax ka badan Shabaab maxaa yeelay in ka badan Shan Xildhibaan oo lagu toogtay Muqdisho waqtiyo isu dhowdhow oo sanadka gudihiisa ah ayaa ku siinaya muuqaal rumaynaya tuhunka ay xildhibaanadu ay ka qabaan maleeshiyo beeleed abaabulan inay qayb ka yihiin gumaadka ka jira Muqdisho halka qaar ka mid ah Xildhibaanaduna ayba qabaan in dilalkan lala beegsanayo Xildhibaanada uu raadka ku hayo in la qaxiyo qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka iyadoo si beelaysan loo beegsanayo.<\/p>\n

H<\/strong>adaba kolka laysku soo hooriyo xaqiiqooyinkan ka jira Muqdisho ayaa waxaa kuu sooo baxaya in Dilka Saado iyo kuwa la midka ahaa iyo weliba kuwa la midka ahoo dhici doona mustaqbalka dhow sidan oo kale ay u rahmanaan doonto jawaabta su’aasha ee ah Yaa Dilay………?.<\/p>\n

Mase laga Yaabaa sida dadka qaarkii ay sheegayaan in dilkeeda loo aansanaayo heestan ay kol dhaweyd ku luuqeysey<\/strong><\/p>\n