{"id":12249,"date":"2015-08-22T13:13:10","date_gmt":"2015-08-22T13:13:10","guid":{"rendered":"http:\/\/daafeet.com\/?p=12249"},"modified":"2015-08-22T13:13:10","modified_gmt":"2015-08-22T13:13:10","slug":"shabeelaha-hoose-maxaad-isiin-kartaa","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.daafeet.com\/2015\/08\/22\/shabeelaha-hoose-maxaad-isiin-kartaa\/","title":{"rendered":"Shabeelaha hoose…Maxaad isiin kartaa?"},"content":{"rendered":"

\"Gobolka<\/a>Gobolka Shabeelaha hoose oo ah gobol ILLAAH ku manaystay dhamaan khayraadka dabiiciga ah noocyadiisa kala gedisan misna safka hore kaga jira wax soo saarka dalka Soomaaliya guud ahaan si gaar ahna wax soo saarka Beeraha,Bada,Xoolaha iyo Macaadinta dahan.<\/p>\n

Gobolka ayaa waxa uu sidoo kale ahaa misna uu weli yahay gobolka labaad ee tirada dadka ugu badani ay kunool yihiin Caasimada Muqdisho ka dib halka uu sidoo kalena uu yahay gobolka ugu degmooyinka badan guud ahaan gobolada dalka kolka caasimada laga reebo.<\/p>\n

Gobolkan Shabeelaha hoose ayaa waxa uu ahaa gobol taariikh dheer ku leh taariikhda dadka iyo dalka Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan Halgankii lala galay Gumaysiga,Fidinta Diinta Islaamka iyo Weliba wadanoolaanshaha iyo iswalaashiga.<\/p>\n

Kadib dhibaatooyin isxigxigay oo gumaystihii reer Yurub oo kaashana Soomaali qabaan u ahayd ay u gaysteen shacabka gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxaa si halhaleel ah ugu kacay geesiyaal ka dhiidhiyay gumaysigii cadaa iyo Qabaantiisa Soomaalida ahayd Geesiyaashaash waxaan ka xusi karnaa hogaankii Saldanadii Digileed ee fadhigeedu ahaa Afgooye,Saldanadii Biyo-maal fadhigeedu ahaa Marka,Saldanadii jiido ee fadhigeedu ahaa Qoryooleey iyo sidoo kale Culimadii gumaysiga ka horistaagay inuu ummada Muslinka ah gaaleeyo sida Suufiyadii Axmadiyada ee Marka iyo tii Qaadiriyada Baraawe,Sidoo kale ayaa gobolku waxa uu ku caanbaxay dagaalka Siyaasadeed ee gumaysiga lala galay iyadoo dhismaha labadii xisbi ee ugu waaweyneyd dalka SYL iyo HSDM ee gumaysiga ka xoreeyay dalka ay hogaanka u hayeen shaqsiyaad kasoo jeeda gobolka sida Abdulqaadir Saqaawa-diinkii reer Barawe,Sheekh Cabdulaahi Begedigii reer Awdheegle.<\/p>\n

Sidoo kale ayaa xoriyada ka dibna gobolka waxa uu u noqday Soomaalida mid manfaciisa wada deeqa misna lagu badbaadiyo kolka Abaaraha iyo Aafooyinka dagaal ay ku dhacaan shacabka Soomaaliyeed oo waxaa tusaale inoogu filan Dejintii iyo Badbaadintii shacabka gobolku u sameeyeen walaalahoodii Soomaaliyeed ee Abaartii Dabadheer ku habsatay gaar ahaa reer Sablaale,Kurtunwaareey,Dajuuma iyo Baraawe sidaa si lamid ahna gobolka waxa uu qaabilay in ka badan Halmilyan oo qaxooti kasoo jabay dagaalkii 77kii oo Soomaali iyo Oromaba lahaayeen waxaana dusha u ritay degmada Qoryooleey oo sedex xero looga ooday waxaana intaa u dheereyd dhalintii Qaxootiga oo la ciidameeyayna in Wanlaweyn lagu baxnaaniyay gaar ahaan xeradii Balidoogle.<\/p>\n

waxaa intaa u dheereyd gobolka in lagu bixin jiray Tabarada habka nolol magaalo dadkii kasoo jabay gobolada dhexe iyo kuwa Waqooyi bari ee Soomaaliya sidoo kalena Shaqaalaha,Saraakiisha iyo Madaxda kolkay gaaraan da’da howlgabka uu gobolku lahaa mashruuc kooxdaas lagu siinayo dhul beereed ay beertaan si ay nolol wanaagsan waqtiga ugu dhamaystaan.<\/p>\n

Inkasta oo aanu Maqaalkeenan aanu ahayn mid aan taariikhda gobolka kaga hadlayno ayaa waxaa hadana intaan yar u soo qaatay si Horudhac ah oo Akhristaha sharafta lihi uu u ogaado amaba uu dib u xusuusto kaalinta gobolka Shabeelaha hoose uu ku leeyahay Dowladnimada Ummadda Soomaaliyeed.<\/p>\n

Hadaba jiilka maanta jooga ee u dhashay gobolka ayaa waxay noqdeen kuwo baalmaray taariikhdoodii isla markaana gacantooda ku dilay dadnimadooda ina soo xusuusiyay maahmaah Soomaaliyeed oo leh”Dab Danbas ayuu dhalaa”waa dhab oo Soomaalidu Been waa sheegtaa balse Been kuma maahmaahdo.<\/p>\n

Hadaba dadka intaan oo taariikh halgan Diimeed,Xoriyadeed,Siyaasadeed,Nololeed iyo Gargaarba lahaa in maanta sidii Tusbax go’ay intay u kala daataan beecinaayaan dhaxalkooda sow Cibaara Aduun ma aha?.
\nGuud ahaan dadka hogaanka u haya gobolka maanta magac iyo mansab kastaba ha sheegtaane waxay ka sinaadeen inay gacanta hoorsadaan oo ay hoosgalaan kooxo aan u turayn misna inta hartay kasii fara maroojin doona hadii uu ALLAH u bixinin rag.<\/p>\n

Waa dhab oo waa Beec maanta gobolka Shabeelaha hoose oo weliba qiimihiisuna waa iidhiib intaad ii heli karto tana waxay keentay in cidkasta oo gobolka Xuduud la lihi ay meel ku oodatay caadaqaatayaal loo bixiyay Suldaano(Sulxaanyo),Xildhibaano(Xilmadhibaano),Siyaasiyiin(Dulaalo),Waxgarad(Doqomo) IWM.<\/p>\n

Gobolka sida aan wada ognahay waxa uu xuduud la leeyahay gobolka Banaadir,Shabeelaha dhexe,Hiiraan,Baay iyo Jubada dhexe guud ahaan beelaha dega goboladaasi waxay dadaal u galeen misna intooda badani ku guulaysteen inay helaan kuwo Dhuunta wax ka arka oo kulamadooda u dhex fariista una nacamleeya oo qoraalo ay usoo diyaariyaan goobta kaga akhriya.<\/p>\n

*Dhismaha maamul gobleedka Labada Shabeele.<\/strong><\/p>\n

Maamulka labada Shabeelle ayaa waxa uu soo baxay kadib kolkii lagu guul daraystay in ladhiso maamulka Ex-Banaadir sababo dastuuri ah dartood sidaa si la mid ahna heer gabagabo aan la filayn gaaray kulan Baydhabo ee Lixda gobol,Waxaana Beeca ku jira Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha hoose Cabdulqaadir Siidii iyo Suldaanka Beeshiisa Gare oo iyaga doorbidaya in Abgaal ay isla yihiin Samaale,Beecuna waa sidaan soo sheegay ee Maxaad isiin kartaa?<\/p>\n

*Dhismaha maamulgoboleedka Ex-Banaadir.<\/strong><\/p>\n

Waa dhisme maamul waqtibadan iyo weliba Juhdi aad u weyn lagu bixiyay Xiligii Madaxweyne Shariif Afgaduud balse daaqada ka baxay kadib kolkii loo waayay hogaan waxtar leh iyo weliba dhaqaale tiina ay uraacday qodob dastuuri ah oo caasimada siinaaya maqaam gaar ah oo ayan ka mid noqon karin maamul goboleed.
\nWaxaana horboodayay Qorbajoog kasoo jeeda beesha Tuni,Beecuna waa sidaan soo sheegay ee Maxaad isiin kartaa?<\/p>\n

*Dhismaha maamul gobleedka Sedexda gobol.<\/strong>
\nKadib kolkii uu Madaxweyne Xasan Garguurte si indho,dhego la’aan iyo Jahli ku jiro uu heshiis ula galay maamulka beesha Ogaadeen ee Juba,Shirkii Baydhabana boorka laga jafay ayaa Xasan Shiikh waxa uu bilaabay dagaal kaasi oo uu u adeegsaday koox uu horboodayo Shariif Sakiin kuwaasi oo wakaaladii Xasan Shiikh u dhiibay kula dhex wareegay saxaafad beeleedka Muqdisho hadana ogow beecan waxaa ku jira Shariif Sakiin iyo Salaadiin Digil ah Beecuna waa sidaan soo sheegay ee Maxaad isiin kartaa?<\/p>\n

*Dhismaha maamul gobleedka Lixda gobol.<\/strong><\/p>\n

Waxay ahayd howsha loo galay dhismaha maamulgoboleedkan mid aan la aamini karin oo si gaabis ah u socotay kolkay taaba qaadayna waxaa u midoobay sedex ka mid ah Afarta qayb ee kale,Hayeeshee waxay heleen fursad waxayna soo bandhigeen furfurnaan iyo ogolaansha ay wax u ogol yihiin guud ahaan dadka dega KoonfurGalbeed taasina waxay siisay inay ka guulaystaan dhamaan kooxihii weertarka ku ahaa haatana waxay maraayaan heer gabagabo ah hadii ayan reer Mirifle ku dheelina inuu najixi doono waa la hubaa,
\nShirkan iyo ka qaybgalkiisa waa uu ka gedisan yahay Shirarka kale kolka laga hadlaayo tala wadaaga iyo Beeca oo shirkan waxaa ku jira sedex beelood aad u culus oo kala ah Shanta Caleen,Bagadi,Biyomaal iyo Geledi,Beeca iyo gorgortankuna waxa uu marayaa heer Madaxweyne.<\/p>\n

*Ku biirista maamul gobleedka Juba.<\/strong><\/p>\n

Fikirkan waa midka ugu cusub waxaana soo bandhigay Qurbajoogtii beesha Tuni oo horay ugu hungoobay Ex-Banaadir hadana ku dhexrafanaaya Maamulka sedexda gobol garawsadayna in aanu socon doonin si beesha isu asturtana waxaa ka gadan inay ku biirto maamulka beesha Ogaadeen ee Juba,Beecuna waa sidaan soo sheegay ee Maxaad isiin kartaa?<\/p>\n

*Hiiraana waa Sugaynaa!<\/strong><\/p>\n

Kol hadii uu xaalka gobolka Shabeelaha hoose maanta uu sidan yahay ma waan la gaarin xiligii dhalinta dhulka dhaxalka u lihi ay dhacsan lahaayeen dhaxalkooda?!!<\/p>\n

Abdiaziz ShSalah.<\/p>\n

Wadajirradio@Gmail.com<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"

Gobolka Shabeelaha hoose oo ah gobol ILLAAH ku manaystay dhamaan khayraadka dabiiciga ah noocyadiisa kala gedisan misna safka hore kaga jira wax soo saarka dalka Soomaaliya guud ahaan si gaar ahna wax soo saarka Beeraha,Bada,Xoolaha iyo Macaadinta dahan. Gobolka ayaa waxa uu sidoo kale ahaa misna uu weli yahay gobolka labaad ee tirada dadka ugu […]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":22112,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"jetpack_post_was_ever_published":false,"_jetpack_newsletter_access":"","footnotes":"","jetpack_publicize_message":"","jetpack_is_tweetstorm":false,"jetpack_publicize_feature_enabled":true,"jetpack_social_post_already_shared":false,"jetpack_social_options":{"image_generator_settings":{"template":"highway","enabled":false}}},"categories":[5,4,1],"tags":[],"jetpack_publicize_connections":[],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/www.daafeet.com\/wp-content\/uploads\/2015\/08\/Gobolka-Shabeelaha-hoose.jpg?fit=276%2C290","jetpack_sharing_enabled":true,"jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p89N1L-3bz","_links":{"self":[{"href":"http:\/\/www.daafeet.com\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/12249"}],"collection":[{"href":"http:\/\/www.daafeet.com\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/www.daafeet.com\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.daafeet.com\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.daafeet.com\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=12249"}],"version-history":[{"count":0,"href":"http:\/\/www.daafeet.com\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/12249\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.daafeet.com\/wp-json\/wp\/v2\/media\/22112"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/www.daafeet.com\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=12249"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.daafeet.com\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=12249"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.daafeet.com\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=12249"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}