{"id":11857,"date":"2018-01-26T01:56:15","date_gmt":"2018-01-25T22:56:15","guid":{"rendered":"http:\/\/daafeet.com\/?p=11857"},"modified":"2018-01-26T16:20:12","modified_gmt":"2018-01-26T13:20:12","slug":"digilow-inta-aadan-mirifle-xisaab-ugu-tagin-is-xisaabi","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.daafeet.com\/2018\/01\/26\/digilow-inta-aadan-mirifle-xisaab-ugu-tagin-is-xisaabi\/","title":{"rendered":"Digilow Inta Aadan Mirifle Xisaab ugu Tagin is Xisaabi."},"content":{"rendered":"

\"\"Guud ahaan waxa loogu yeero hogaamiyayaasha golayaasha Digileed sida(Salaadiinta,Nabad-doonada,Siyaasiyiinta,Aqoonyahanada,Saraakiisha,Xildhibaanada iyo Wasiirada) ayaa waxa si aan ka fiirsi lehayn uga hadaaqaan hadalo aan micno badan iyo miro midna u dhalayn mustaqbalka iyo weliba jiritaanka beelaha ay mas’uuliyadoodu sheeganayaan ee Digileed.<\/p>\n

Hogaamiyayaashan oo intooda badan xitaa ayan metelin naftooda ayaa waxa aad moodaa in danta beelaha Digileed ay ka doorbideen waxoogaa dhaqaale oo balan qaad ma ahee aan weligii la arkayn inay dhaafsadaan mustaqbalka beelaha Digileed kadibna magac mas’uuliyadiisa ayan qaadi karin inta ay sheegtaan dhawaaq lagu qoslo lasoo shir taga sida Shirka Baydhabo nama khuseeyo,Waxaan ka tashanaynaa aayaheena,Waxaan nahay anaga iyo Hawiye dad walaalo ah oo laysku yiraahdo Digil iyo Daami,Mirifle waa na dhacay oo sedbuursi ayuu nagu sameeyay,Mirifle waa inaan la xisaabtanaa iyo Hadalo kuwan kasii culus oo aan wax miisaan ah ku lahayn saaxada shacabweynaha dulman ee Digil.<\/p>\n

Waa ayo beelaha Digil<\/strong><\/p>\n

Ilaa iyo maantadan la joogo beelaha Digileed ma lahan Nambar beeleed oo laysku raacsan yahay oo la dhihi karo waa intaa balse waxaa Af-qaad noqday oo dadku yaqaanaa Todobada Aw-Digil(Bagedi,Dabare,Jiido,Gare,Geledi,Shanta Caleen iyoTuni)ha yeeshee waxaa hubaal ah in beelaha Digileed tiro ahaan ay ka kooban yihiin Todoba iyo toban beelood oo intooda badani ay ku dhex dulman yihiin Todobada beelood ee aan horay u soo magacdhawnay sabab kastabana ha ku dhacdee dulmiga lagu hayo beelahan isla Digilka ah ayaa waxa uu u muuqdaa mid is indha tir iyo qab salka ku haya.<\/p>\n

Yaa Hogaamiya beelaha Digil.<\/strong><\/p>\n

Hogaanku waa mid ka mid ah labada ruux ee Suubanaha(NNKAH-yeelee) uu sheegay haday toosaan in inta kale ee ummadu ay toosayaan oo ahaa (Culimada iyo Umarada(Madaxda)oo haday qaloocdaana ay inta kale la qaloocanayso sida haatanba ka muuqato hogaamiyayaasha qaloocan ee Digileed ee iyagu gaaray inay dadnimo u doontaan kuwii dulaystay ee Hawiye halkii ay heeryadooda iska tuuri lahaayeen.<\/p>\n

Sidaan horey u soo sheegayba hogaamiyayaashan waa kuwo aan xitaa metelin naftooda kuna shaqeeya fikradaha Cadawga beelaha Digileed ku soo shubaan kiisa muuqda iyo kan aan muuqan ee Hawiyaha ah waxayna sharafta dakooda iyo dalkoodaba siisteen inay Xamar nabad ku joogaan kuna dhaqdhaqaaqaan iyagoo fulinaaya danaha beelaha Hawiye ee maanta duulaanka qaawan ku ah jiritaanka Shacabweynaha Digileed.<\/p>\n

Akhristaha Sharafka mudanoow bal maanta weydii halka ay joogaan midkasta oo kamid ah waxa loogu yeero (Salaadiinta,Nabad-doonada,Siyaasiyiinta,Aqoonyahanada,Saraakiisha,Xildhibaanada iyo Wasiirada) beelaha Digileed ee Todobada ah waxaa kuu soo baxaya shaki la’aan inay joogaan Muqdisho oo midkooduna aanu tagin xitaa Afgooye maxaa hortaagan inay dhulkooda iyo dadkooda ay la noolaadaan waa arin kale oo isweydiin mudan balse waxaa xaqiiq ah in Ummad ama Beel ay metelaan dhaafe xitaa naftoodu ayan metelin oo waxay si mutadawac-nimo ah ay lahaystayaal ugu yihiin kuwa u dawamaray shacabkooda ee Dulmiga,Duliga,Dilka,Dhaca iyo Kufsigaba nolol uga dhigay ee Hawiye iyagoo sidoo kalena qaarkood waa kuwa sheeganaaya mas’uuliyiinta Digileed ayba Sheegtaan inay yihiin Hawiye dhalasho ahaan kolka ay la joogaan Hawiyaha.<\/p>\n

Yaa laga rabaa badbaadada beelaha Digileed.<\/strong><\/p>\n

Kol hadii uu hogaanka Ummadu uu sidan noqdo waxaa lama huraan ah in dhalintu ay u kacaan ummadooda soona dhacsadaan xuquuqdooda iyagoo u maraaya wada kasta oo ay ku soo ceshan karaan sharaftooda sidaa si lamid ahna Aqoonyahanaduna ay hogaanka u qabtaan si halganka dhilintu aanu u dhicisoobin sidoo kalena qaybaha kala gedisan ee bulshaduna ay doorkooda shariifka ah qaataan.<\/p>\n

Xagee ayay maslaxadooda ku jirtaa.<\/strong><\/p>\n

Guud ahaa Shucuubta caalamku waxay ka simanyihiin lahaanshaha Sokeeye iyo Gacal,Cadaw iyo Shisheeye sidaa si la mid ahna Shacabka Digileed waxay leeyihiin Sokeeye la dhashay oo reer Mirifle ah dhalasho kadibna Gacal u ah halka Cadaw iyo Shisheeyana looga fadhiyo inay fahmaan una qaataan Cadow sida kooxaha duulaanka ee Hawiye iyo Daarood.<\/p>\n

Waxaan cidna muqdi kaga jirin kol hadii uu arinku sidaa yahay in maslaxada ummada Digileed aan laga dhex goobin(Raadinin) gudaha Cadawga iyo Shisheeyaha.<\/p>\n

Gunta iyo gebgebaduna waxaan leeyahay Digilow inta aadan Mirifle xisaab ugu tagin is xisaabi.<\/p>\n

Abdiaziz Sh Salah<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"

Guud ahaan waxa loogu yeero hogaamiyayaasha golayaasha Digileed sida(Salaadiinta,Nabad-doonada,Siyaasiyiinta,Aqoonyahanada,Saraakiisha,Xildhibaanada iyo Wasiirada) ayaa waxa si aan ka fiirsi lehayn uga hadaaqaan hadalo aan micno badan iyo miro midna u dhalayn mustaqbalka iyo weliba jiritaanka beelaha ay mas’uuliyadoodu sheeganayaan ee Digileed. Hogaamiyayaashan oo intooda badan xitaa ayan metelin naftooda ayaa waxa aad moodaa in danta beelaha Digileed […]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":33658,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"jetpack_post_was_ever_published":false,"_jetpack_newsletter_access":"","footnotes":"","jetpack_publicize_message":"","jetpack_is_tweetstorm":false,"jetpack_publicize_feature_enabled":true,"jetpack_social_post_already_shared":false,"jetpack_social_options":{"image_generator_settings":{"template":"highway","enabled":false}}},"categories":[5,1],"tags":[],"jetpack_publicize_connections":[],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/www.daafeet.com\/wp-content\/uploads\/2014\/01\/digil.jpg?fit=640%2C480","jetpack_sharing_enabled":true,"jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p89N1L-35f","_links":{"self":[{"href":"http:\/\/www.daafeet.com\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/11857"}],"collection":[{"href":"http:\/\/www.daafeet.com\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/www.daafeet.com\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.daafeet.com\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.daafeet.com\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=11857"}],"version-history":[{"count":2,"href":"http:\/\/www.daafeet.com\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/11857\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":33659,"href":"http:\/\/www.daafeet.com\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/11857\/revisions\/33659"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.daafeet.com\/wp-json\/wp\/v2\/media\/33658"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/www.daafeet.com\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=11857"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.daafeet.com\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=11857"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.daafeet.com\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=11857"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}