Daafeet.com http://www.daafeet.com News iyo Barnaamijyada Redio Daafeet Thu, 25 Apr 2024 12:44:01 +0000 en-US hourly 1 https://wordpress.org/?v=6.5.2 120544105 Reysulwasaare Xamsa oo dhawaan booqan doona dalka kenya http://www.daafeet.com/2024/04/25/reysulwasaare-xamsa-oo-dhawaan-booqan-doona-dalka-kenya/ http://www.daafeet.com/2024/04/25/reysulwasaare-xamsa-oo-dhawaan-booqan-doona-dalka-kenya/#respond Thu, 25 Apr 2024 00:43:00 +0000 https://www.daafeet.com/?p=53471 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa lagu wadaa in bisha soo socota uu booqasho ku tago dalka Kenya, sida uu sheegay xoghayaha arrimaha dibadda Kenya Korir SingOei oo la kulmay wafdi ka socday xafiiska raysal wasaaraha Soomaaliya.

Waxay noqon doontaa markii ugu horreysay oo raysal wasaare Xamsa uu tago Nairobi isagoo Ra’iisul Wasaare ah tan iyo markii uu xafiiska la wareegay 25kii Juun 2022.

Safarka raysal wasaare Xamse ayaa la filayaa inuu ku saabsan yahay, dib u eegis lagu sameynayo iskaashiga labada dal oo ay ka mid yihiin amniga iyo difaaca wadajirka ah, duulista, ganacsiga iyo maalgashiga, kobcinta tayada adeegga bulshada iyo tacliinta sare ee labada dal.

Maalmo ka horna, wasiirka beeraha Kenya ayaa sheegay in bisha May ay Soomaaliya iyo Kenya wada gali doonaan heshiis ganacsi oo ku saabsan Qaadka Miirowga ee Kenya ay usoo dhoofiso Soomaaliya.

]]>
http://www.daafeet.com/2024/04/25/reysulwasaare-xamsa-oo-dhawaan-booqan-doona-dalka-kenya/feed/ 0 53471
Hey’adaha dowlada oo laga mamnuucay iney meel ka baxsan dalka shir ku qabtaan http://www.daafeet.com/2024/04/25/heyadaha-dowlada-oo-laga-mamnuucay-iney-meel-ka-baxsan-dalka-shir-ku-qabtaan/ http://www.daafeet.com/2024/04/25/heyadaha-dowlada-oo-laga-mamnuucay-iney-meel-ka-baxsan-dalka-shir-ku-qabtaan/#respond Thu, 25 Apr 2024 00:40:00 +0000 https://www.daafeet.com/?p=53469 Dowladda Soomaaliya ayaa hay’adaha dowladda ka mamnuucday in meel ka baxsan dalka lagu qabto shirarka u dhexeeya heerarka kala duwan ee hay’adaha dowladda.

Go’aankaan ayaa laga sheegay shirka golaha wasiirrada Soomaaliya oo uu shir guddoominayay raysal wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre.

Wasaaradda qorshaynta ayaa horey ugu amartay hay’adaha caalamiga inay xafisyadooda usoo wareejiyaan Soomaaliya, ayna meel ka baxsan dalka lagu qaban karin shirarka hay’adaha dowladda.

]]>
http://www.daafeet.com/2024/04/25/heyadaha-dowlada-oo-laga-mamnuucay-iney-meel-ka-baxsan-dalka-shir-ku-qabtaan/feed/ 0 53469
Webiga shabeela oo ku fatahay deegoono ka tirsan degmada jowhar http://www.daafeet.com/2024/04/25/webiga-shabeela-oo-ku-fatahay-deegoono-ka-tirsan-degmada-jowhar/ http://www.daafeet.com/2024/04/25/webiga-shabeela-oo-ku-fatahay-deegoono-ka-tirsan-degmada-jowhar/#respond Thu, 25 Apr 2024 00:33:00 +0000 https://www.daafeet.com/?p=53466 Warar aynu ka helyno magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in wabiga Shabeelle uu fatahaad ka sameeyay deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada Jowhar.

Deegaanada uu fatahaada ka geystay wabiga Shabeelle ayaa kala Baareey, Mareerey, Kuukaay, Maandheere, Xawaadley iyo Bayaxaaw, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha Hirshabelle Maxamed Bashir Qasim Daqare.

Fatahadahan uu wabiga Shabeelle ka sameeyay deegaanadaan ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe ayaa kusoo aaday, maalmo yar uun kadib marki ay hey’adda Maareynta masiibooyinka Qaranka Soomaaliya iyo hey’adda OCHA ee Qaramada Midoobay ka digeen, suurtagalnimada daadad iyo fatahaado ka dhasha roobka Guga iyo wabiyada Jubbada Shabeelle.

Dhanka kale waxaa cabsi weyn laga qabaa in uu webigu ku fataho magaalooyinka Baledweyne iyo Buula burte.

]]>
http://www.daafeet.com/2024/04/25/webiga-shabeela-oo-ku-fatahay-deegoono-ka-tirsan-degmada-jowhar/feed/ 0 53466
Markab dagaal oo laga leeyahay dalka turkiga oo kusoo wajahan dekeda magalada muqdisho http://www.daafeet.com/2024/04/23/markad-dagaal-oo-laga-leeyahay-dalka-turkiga-oo-kusoo-wajahan-dekeda-magalada-muqdisho/ http://www.daafeet.com/2024/04/23/markad-dagaal-oo-laga-leeyahay-dalka-turkiga-oo-kusoo-wajahan-dekeda-magalada-muqdisho/#respond Tue, 23 Apr 2024 11:54:09 +0000 https://www.daafeet.com/?p=53461 Markab dagaal oo laga leeyahay dalka turkiga ayaa la filayaa maanta in uu kusoo xirto dekeda weyn ee magalada muqdisho iyadoo talaabadi ay qeyb ka tahay heshiiska iskaashi ee dhalka difaaca ah ee ay wada saxiixdeen dowlada turkiga iyo dowlada somaliya.

Waxaa hakad ku yimid dhamaan howlihii ka socdey dekeda magalada muqdisho iyadoo la filaayo in madaxweynaha dowlada federaalka somaliya uu ka qeyb qaato xaflada soo dhaweynta markabkan.

Sida ku cad heshiiskaas oo ay saxiixeen wasiirradooda gaashaandhigga, isla markaana ay ansixiyeen bishii Febraayo ee baarlamaanka Soomaaliya, Turkigu wuxuu siin doonaa tababaro iyo qalabayn ciidamada badda Soomaaliya, taasoo u oggolaanaysa Soomaaliya inay ka ilaaliso kheyraadka badda iyo ka hortagga argagixisada, burcad-badeedda iyo faragalinta Shisheeyaha.

]]>
http://www.daafeet.com/2024/04/23/markad-dagaal-oo-laga-leeyahay-dalka-turkiga-oo-kusoo-wajahan-dekeda-magalada-muqdisho/feed/ 0 53461
Qaramada midoobey oo ka digeytey dhibaatooyinka ka imaan kara roobabka Guga http://www.daafeet.com/2024/04/23/qarama-midoobey-oo-ka-digeytey-dhibaatooyinka-ka-imaan-kara-roobabka-guga/ http://www.daafeet.com/2024/04/23/qarama-midoobey-oo-ka-digeytey-dhibaatooyinka-ka-imaan-kara-roobabka-guga/#respond Mon, 22 Apr 2024 23:35:00 +0000 https://www.daafeet.com/?p=53445 Qaramada Midoobay ayaa ka digtay fatahaado baahsan oo ka dhaca Soomaaliya, sababo la xiriira xilli roobaadka Guga, kuwaasi oo barakicin kara boqolaal kun oo qof.

Sida laga soo xigtay xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada (OCHA), roobab mahiigaan ah oo da’aya bilaha April-June ayaa la filayaa in ay saameeyaan ku dhawaad 770,000 oo qof oo ku kala nool 22 degmo.

OCHA waxay sheegtay in shaqaalaha bani’aadamnimada ay diyaariyeen qorshayaal lagu yareynayo saameynta la filan karo. Si kastaba ha ahaatee, hay’addu waxay sheegtay in ilo degdeg ah weli loo baahan yahay si loo xaqiijiyo jawaabta waqtiga ku habboon.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in kala kaashatay mas’uuliyiinta caafimaadka Soomaaliya dadaallada diyaar-garowga ah ee uu hagayo qorshe hawleed lix bilood ah oo dhan $5.9 milyan si wax looga qabto xaaladaha daacuunka ee ka dhalan kara fatahaadaha.

]]>
http://www.daafeet.com/2024/04/23/qarama-midoobey-oo-ka-digeytey-dhibaatooyinka-ka-imaan-kara-roobabka-guga/feed/ 0 53445
Dhegeysiga maxkamada sayid cali oo maanta furantey http://www.daafeet.com/2024/04/21/dhegeysiga-maxkamada-sayid-cali-oo-maanta-furantey/ http://www.daafeet.com/2024/04/21/dhegeysiga-maxkamada-sayid-cali-oo-maanta-furantey/#respond Sat, 20 Apr 2024 23:46:00 +0000 https://www.daafeet.com/?p=53440 Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Axad ah guda gashay dhageysiga dacwadda culus ee loo heysto Sayid-Cali Macallin Daa’uud oo horay Maxkamadda Gobolka Banaadir ay ugu xukuntay dil toogasho ah..

Eedeysanahaan ayaa Maxkamaddu ku heshay inuu gubay Xaaskiisii oo lagu magacaabi jiray Luul Cabdicasiis.

Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir ayaa ku amartay Taliyaha Booliska degmada Xamarweyne in maanta oo Axad ah inuu horkeeno Maxkamadda eedeysane Sayid cali.

Qoraal kasoo baxay Maxkamadda Racfaanka ayaa faray dhinacyada dacwada dhageysanaya in ay soo xaadiraan 9:00am.

]]>
http://www.daafeet.com/2024/04/21/dhegeysiga-maxkamada-sayid-cali-oo-maanta-furantey/feed/ 0 53440
Kooxda daacish oo sheegtey iney dilee inka badan 50 xubnood oo alshabab ah http://www.daafeet.com/2024/04/21/kooxda-daacish-oo-sheegtey-iney-dilee-inka-badan-50-xubnood-oo-alshabab-ah/ http://www.daafeet.com/2024/04/21/kooxda-daacish-oo-sheegtey-iney-dilee-inka-badan-50-xubnood-oo-alshabab-ah/#respond Sat, 20 Apr 2024 23:20:00 +0000 https://www.daafeet.com/?p=53429 Kooxda Daacish ayaa sheegatay in dagaalyahanadooda ay weerarro ku qaadeen xarumaha kooxda Alshabaab ee gudaha Soomaaliya, ayna ku dileen in ka badan 50 xubnood oo ay ku jiraan taliyayaal muhiim ah.

Warbixin lagu daabacay majaladda caalamiga ah ee Al_Naba ee ka faaloota howlgallada Daacish, ayaa lagu qoray warkaan.

Daacish waxay sheegtay inay Alshabaab kala wareegeen degaano cusub oo dhaca buuraleyda Cal Miskaad ee gobolka Bari ee Puntland.

Waxay sheegtay in weerarrada Alshabaab ay kaga furteen hub iyo rasaas kala duwan.

Daacish waxay xustay in weeraradan ay dhaceen intii lagu jiray bisha Barakaysan ee Ramadaan iyo dhamnmadka bishii Shacbaan.

Daacish iyo Alshabaab ayaa xarumo qarsoodi ah ku leh degaanada Puntland gaar ahaan gobolka Bari, waxayna labada koox isku haystaan awoodda maamul ee buuralayda gobolka Bari.

]]>
http://www.daafeet.com/2024/04/21/kooxda-daacish-oo-sheegtey-iney-dilee-inka-badan-50-xubnood-oo-alshabab-ah/feed/ 0 53429
Dowlada somaliya oo beesha caalamka u sheegtey ineysan diyaar u eheyn wadahadal ay la gasho dowlada itoobiya http://www.daafeet.com/2024/04/20/dowlada-somaliya-oo-beesha-caalamka-u-sheegtey-ineysan-diyaar-u-eheyn-wadahadal-ay-la-gasho-dowlada-itoobiya/ http://www.daafeet.com/2024/04/20/dowlada-somaliya-oo-beesha-caalamka-u-sheegtey-ineysan-diyaar-u-eheyn-wadahadal-ay-la-gasho-dowlada-itoobiya/#respond Fri, 19 Apr 2024 23:49:00 +0000 https://www.daafeet.com/?p=53426 Dowladda Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ay soo saartay waxay mar kale ku caddaysay in aysan wada hadal la geli doonin Ethiopia, ilaa ay ka noqoto heshiiska arrimaha badda oo ay la gashay Somaliland.

Dowladda Soomaaliya waxa ay u mahad celisay waddamada G7, kuwaas oo walaac ka muujiyay heshiiska ay Ethiopia la gashay Somaliland, kuna baaqay in la ilaaliyo madax bannaanida iyo midnimada dhuleed, sida ku qoran axdiga Qaramada Midoobay.

Soomaaliya waxay sheegtay inay u heellan tahay ilaalinta nabadda iyo amniga gobolka, islamarkaana ay u dooneyso inay xoojiso wadashaqeynteeda G7 iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo barwaaqada Geeska Afrika.

]]>
http://www.daafeet.com/2024/04/20/dowlada-somaliya-oo-beesha-caalamka-u-sheegtey-ineysan-diyaar-u-eheyn-wadahadal-ay-la-gasho-dowlada-itoobiya/feed/ 0 53426
Maamulka koonfur galbeed oo kala dhex gaay beelo maahi lasoo dhaafay ku dagaalamayey degmada diinsoor http://www.daafeet.com/2024/04/20/maamulka-koonfur-galbeed-oo-kala-dhex-gaay-beelo-maahi-lasoo-dhaafay-ku-dagaalamayey-degmada-diinsoor/ http://www.daafeet.com/2024/04/20/maamulka-koonfur-galbeed-oo-kala-dhex-gaay-beelo-maahi-lasoo-dhaafay-ku-dagaalamayey-degmada-diinsoor/#respond Fri, 19 Apr 2024 23:45:00 +0000 https://www.daafeet.com/?p=53423 Masuuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed oo uu hoggaaminaayo Wasiirka Wasaaradda amniga maamulkaas ayaa u tagay degmada Diinsoor ee gobolka Baay xal u helida dagaal beeleed ka dhacay degmadaas.

Masuuliyiinta ayaa ugu horeyn kormeer ku tegay goobaha ay isku hor fadhiyaan ciidanka labada beeleed ee dhawaan ku dagaalamay gudaha degmada Diinsoor ee gobolka Baay, iyagoona ku guuleystay iney kala qaadeen maleeshiyaadkii is hor fadhiyay.

Wasiirka Wasaaradda amniga maamulka Koonfur Galbeed Xasan Cabduqaadir Maxamed ayaa sheegay in dagaal uusan u wanaagsaneyn dadka shacabka ah, islamarkaana labada dhinac looga baahan yahay iney nabad ku wada noolaadaan.

Wuxuu ugu baaqay waxgaradka degmada iney xoojiyaan nabada, islamarkaana ay ka shaqeeyaan sidii degmada iyo deegaanada kale ku xeeran uusan markale ugu dhicin dagaal u dhaxeeya dadka walaalaha ah.

]]>
http://www.daafeet.com/2024/04/20/maamulka-koonfur-galbeed-oo-kala-dhex-gaay-beelo-maahi-lasoo-dhaafay-ku-dagaalamayey-degmada-diinsoor/feed/ 0 53423
Suldaanka beesha jiido Suldaan Warsame oo xabad joojin ugu baaqay beelaha ku dagaalamaya degmada qoryooleey http://www.daafeet.com/2024/04/18/suldaanka-beesha-jiido-suldaan-warsame-oo-xabad-joojin-ugu-baaqay-beelaha-ku-dagaalamaya-degmada-qoryooleey/ http://www.daafeet.com/2024/04/18/suldaanka-beesha-jiido-suldaan-warsame-oo-xabad-joojin-ugu-baaqay-beelaha-ku-dagaalamaya-degmada-qoryooleey/#respond Thu, 18 Apr 2024 00:22:00 +0000 https://www.daafeet.com/?p=53420 Suldaanka beesha jiido Suldaan warsame ayaa ugu baaqay xabad joojin labada beelood ee maalmahan kuu dagalamay degmada qoryooley, suldaanka ayaa sheegay in dagaal uusan wax faaiido ah leheyn isla markaasina ay haboon tahay in ilaahay laga baqo.

Suldaanka ayaa sidoo kale waxaa uu hoosta ka xariiqey ineysan habooneyn in shacabka aan waxba galabasan dushooda lagu dagaalamo loola baahan yahay in shacabka loo turo si deg deg ahna dagaalka loo joojiyo.

Waxaana uu ilaahay uga baryey inuu ilaahay ka qabto daddka degmada fidnada ka wada degmada isla markaasina ka shaqeynaya sidii la isugu baabi’in lahaa dadka walaalaha ah ee hallkaasi ku nool.

]]>
http://www.daafeet.com/2024/04/18/suldaanka-beesha-jiido-suldaan-warsame-oo-xabad-joojin-ugu-baaqay-beelaha-ku-dagaalamaya-degmada-qoryooleey/feed/ 0 53420