Wadajirradio Atlanta – Daafeet.com http://www.daafeet.com News iyo Barnaamijyada Redio Daafeet Tue, 27 Nov 2018 13:06:36 +0000 en-US hourly 1 https://wordpress.org/?v=6.5.2 120544105 Warqad Furan oo ku socota Xildhibaanada Koonfur Galbeed. Hadda Ayay Hiilo U Baahan Tahay KGS! http://www.daafeet.com/2018/11/27/warqad-furan-oo-ku-socota-xildhibaanada-koonfur-galbeed-hadda-ayay-hiilo-u-baahan-tahay-kgs/ Tue, 27 Nov 2018 08:03:03 +0000 https://www.daafeet.com/?p=36827 Warqad Furan oo ku socota Xildhibaanada Koonfur Galbeed.
Hadda Ayay Hiilo U Baahan Tahay KGS!
———————————————————-
Waxaan la wada soconaa isku dayada iyo falalka guracan ee Villa Somalia soo maleegeyso si masiirka iyo aayaha umadda degta KGS loogu gacan geliyo shakhsi ay soo adeegsadeen dad dana gaara leh. Soo ma nihin dad tashan kara oo go’aanka mustqablkooda iyo kan jiilasha soo koraaya ayaga go’aansan kara?

Maxaa anaga naga dhigay kuwo marwalba u nugul in duulaan bareer ah iyo mid siyaasadeed lanagu soo qaado?
Maxaan naf, waqti iyo maalba ugu soo hurnay halgankii RRA haddiiba maanta oo 2018 la joogo weli naloo daba taagan yahay hogaankaada anaa kuu dooraya, weliba mid aniga i hoos imaada ayaan kuu keenayaa waanan ku qasbayaa inaad aqbasho!

Waxaa Ilaah mahadiis ah haddiiba weli ay wax raja ah aan leenahay waayo maanta talada Koonfur Galbeed iyo aayaha Digil Iyo Mirifle waxay gacabtooda ku jirtaa xildhibaanada oo aan wada hubo heerka wadadaniyadoodu gaarsiisan tahay!

Xildhibaanada waxaan leeyahay waxaad noqon doontaa kuwo taariikhda ka gali doona baal mugdi ah ama baal dahab ah, hadba mida aad adinka doorataan labada baal midka ay gali doontaan!

Qofkii kugu soo duula ee raba inuu kaa dhigo ummad aan jirin oo tashan karin wax eed ah malahan haddiiba aad adiga ogolaato.

Beri waxa aan eedo doono maahan dadka nasoo maagay waxaan eedi doonaa dadkii aan amaanada u dhiibanay!

Qoraalkan ujeedadiisa mahan inaan ku taageero musharax gaar ah balse waxaan rabaa inaan afeef hore ah kusoo gudbiyo waayo hadhow ayaan rabaa inaan adkeysi dambe yeesho.

Xildhibaan, waxaan kugula dardarmaayaa musharaxiinta kusoo hor fariisan doona waa kala baratay waxa ay kala yihiin, taariikhda ay ku leeyihiin halgankii xoreynta Koonfur Galbeed, Waxaad hada kala ogaatay sida ay isula jiraan iyo dadka soo maalgashaday, waxaad ogaatay in weli laguu diidan yahay xitaa sunduuqaas in si xora oo cadaalad ah loogu kala baxo.

Xildhibaan waxaa ogaatay sababta ka dambeysa iyo danaha gaarka ee laga leeyahay in qarash fara badan lagu bixiyo shakhsiyaadka la wato.

Xildhibaan, waxaad maanta ogtahay musharxiinta muwaadiniinta dhabta ah ee si iskooda ah isu soo taagay oo ujeedkooda yahay sidii ay sharafteena iyo karaamadeena u difaaci lahaayeen.
Xildhibaan, waxaad haysataa fursaddii aad kaga farxin lahayd quluubta shacab duruufeysan oo laisku dayayo in lagu tunto xuquuqdooda.

Xildhibaan, dulucda iyo ujeedkeyga haddaan usii dhaadhaco waxaan Alle marqaati kaaga dhigay in codkaaga yahay amaano, dooro musharax aan la wadan, waayo midkaas ayaa gobonimadeena difaaci kara, midkaas ayaa ka farxin doona dhallinyarada halganka usoo maray inay difaacaan qaddiyadeena iyo sharafkeena.

Xildhibaan, si aan beri kuu eedin fariinteyda dhegaha u nuglee.

Waa mahadsan tihiin sidaa u dareenteen waxa ay dareemayaan shacabka Koonfur Galbeed. Xildhibaane, Codkaagu waa mustaqbalkeena!

 

QORAY OGQOONIYAAN KGS

]]>
36827
Xildhibaanada Digil iyo Mirifle oo ku Guul Dareystay inay Yeeshaan Hal Musharax. http://www.daafeet.com/2018/04/16/xildhibaanada-digil-iyo-mirifle-oo-ku-guul-dareystay-inay-yeeshaan-hal-musharax/ Mon, 16 Apr 2018 03:22:46 +0000 https://www.daafeet.com/?p=34588 Kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen Xildhibaanada Qawmiyada Digil iyo Mirifle u matala Aqalka hoose ee Baarlamaanka Fedraalka ah ee Soomaaliya ayaa waxa uu xalay ka dhacay Hotel SYL magaalada Muqdisho,

Kulankan oo ahaa mid inta badan Xildhibaanada Aqalka hoose ay kasoo qaybgaleen ayaa waxa ay Xildhibaanadu uga hadleen qaabka iyo hanaanka loo marayo tartanka kursiga Afhayeenka Baarlamaanka Fedraalka ah ee Soomaaliya oo la filayo in maalmaha soo socda uu ka qabsoomo magaalada Muqdisho.

Kulankan oo martiqaadkiisu lahaayeen Xildhibaanada kasoo jeeda Beelaha Digileed ayaa Ajandihiisu ahaa sidii Qawmiyada Digil iyo Mirifle ay u yeelan lahayd Musharax kaliya oo ku tartama magaca Qawmiyada Digil iyo Mirifle kaasi oo weliba kasoo jeeda Beelaha Aw-Digil maadaama ayan weligood xilkaasi qaban.

Dood dheer iyo Falanqayn ay Xildhibaanadu ka yeesheen soo jeedintii beelaha Digileed kadib Xildhibaanada Beelaha Digil iyo Kuwa Beelaha Sideed Mirifle waxay isku aragti ka noqdeen soo jeedinta Beelaha Digil halka Beesha Sagaal Miriflana ay ka biyo diiday tala soo jeedinta beelaha Digil kuna dooday in kursigan iyadu tahay beesha ku xaq leh isla markaana ay tahay in lagu taageero.

Kulanka oo qaatay wakhti dheer kadib ayaa ugu danbay lagu kala dareeray ayadoo aan wax qodoba ah oo laysku raacay amaba laysku diiday aan kasoo bixin kulanka.

Doodan ku saabsan Beesha iyo Cida buuxin lahayd xilkan uu baneeyay Afhayeenkii hore ee Baarlamaanka Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa haatan u muuqata mid si xowli ah ku socoto iyadoo Xildhibaanada beelaha Digilna markii ugu horeysay muujinayaan inay xaq lamid ah kan beelaha Mirifle ay u leeyihiin inay isu soo sharaxaan buuxinta kursigan banaanaaday.

]]>
34588
Wasiirka Amniga oo u Digey Ciidamada Milateriga ee Lasoo gala Qoryaha Waaweyn Gudaha Magalada http://www.daafeet.com/2018/02/26/wasiirka-amniga-oo-u-digey-ciidamada-milateriga-ee-lasoo-gala-qoryaha-waaweyn-gudaha-magalada/ Mon, 26 Feb 2018 12:05:18 +0000 https://www.daafeet.com/?p=34029 Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle) ayaa Ciidamada Millitariga Soomaaliya ee ka imaanaya Shabeelooyinka uga digay in ay Hubka waaweyn la soo galaan gudaha magaalada, sida Daba-jeexa iyo Qoriga Dhashiikaha.

Wuxuu sheegay arrintan inuu kala hadlay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka, wuxuuna Taliyaha soo saaray wareegto ah, marka Ciidamada xoogga imaanayaan Muqdisho in ay fasax ka qabaan isaga.

Sidoo kale wuxuu sheegay Wasiir Islow inaan loo baahneyn in magaalada ay noqoto furin dagaal oo lagu dhexsito Hubka waa weyn oo shacabka lagu qalqal geliyo, taasi bedelkeedana mgaalada ay noqoto mid ka caagan Hubka.

17-kii May 2017-kii Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa xadiday Hubka masuuliyiinta Dowladda Federaalka ay ku dhex wadan karaan Magaalada, waxayna sheegeen inaan la qaadan karin Qori ka weyn AK-47, lana wadan karin ilaalo ka badan Afar Askari, taasi oo u muuqata in weli aysan dhaqan galin.

]]>
34029
Yaa ka mas’uul ah dhibta soo gaartay Shacabka degmada Awdheegle? http://www.daafeet.com/2018/02/13/yaa-ka-masuul-ka-ah-dhibta-soo-gaartay-shacabka-degmada-awdheegle/ Tue, 13 Feb 2018 19:19:45 +0000 https://www.daafeet.com/?p=33905

Ciidamada Dowlada Fedraalka ah ee Soomaaliya oo kaashanaayo ciidamo kala gedisan oo Ajaanib ah ayaa waxay weerar ay ku sheegaan sifayn ay ku qaadaan goobaha ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka ururka Shabaab ee dowlada ku kacsan.

Weerarada Ciidamadan ay qaadaan ayaa waxay waxyeelo kala gedisan kasoo gaartaa Shacabka ku dhaqan goobaha ay weeraradu ku socdaan iyadoo welibana weerarada ka dib hadana ay ciidamada Dowladu dib uga soo baxaan goobihii ay dagaalka kula wareegeen sidaasina ay markale dib ugu soo laabtaan Maleeshiyada Shabaab goobihii laga xoreeyay dagaal la’aan iyadoo soo laabashada Shabaabna ay keenayso waxyeelo hor leh oo soo gaarta Shacabka.

Degmada Awdheegle gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxay ka mid tahay degmooyinka in dhowaalaba ka socday howl galada lagu baacsanayo Maleeshiyada Shabaab,Inkasta oo ay Shacabku soo dhoweynayaan Howlgalada socda ayaa waxaa hadana dhanka kale uu warwar badan uu ka jiraa Qaabka iyo Nidaamka Ciidamada Dowladu ay ku howlgalayaan oo marar badani sabab u noqda in waxyeelo soo gaarto Shacabka halka ciidamada Dowladuna ay caada ka dhigteen inay dib uga laabtaan goobaha ay ka xoreeyaan Maleeshiyada Shabaab taasi oo lafsadeeda keenta dhibaatooyin baaxad leh oo soo gaarta mar labaad Shacab sida tan maantadan ka taagan degmada Awdheegle gobolka Shabeelaha hoose.

Inkasta oo aan lasoo warin wax dhiig ah oo ku daatay qabsashadii Ciidamada Dowladu ay qabsadeen degmada Awdheegle iyo Deegaano hoos yimaada maalintii shalay ayaa waxaa hadana jira kasoo bixidii ciidanka Dowladu ay kasoo baxeen isla deegaanadaas shalay ay maanta sababtay in Shabaab ay soo xirxiraan dadka shacab ahaa oo deegaanadaasi ku noolaa halka Geeri dad shacab ahaana la soo warinaayo.

Hadaba yaa ka mas’uul ah dadka Shacabka ah ee ku geeriyooday dhacdadan xanuunka leh iyo kuwa maanta Xabsiyada Shabaab ugu jira maxaad u soo dhoweyseen ciidamada Dowlada?.

*Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Cabdullaahi Cali Caanood waxa uu hogaanka u hayay Ciidamadii weeraray Shabaabka ku suganaa degmada Awdheegle isaga iyo ciidankiisana waxay si fudud uga xoreeyaan maleeshiyada Shabaab degmada Awdheegle iyo deegaano hoos dhaca,Nasiib darose in kayar Sideed saacadood ka dib waxay dib uga soo gurteen guud ahaan goobihii ay Shabaab kala wareegeen Barqanimadii shaley iyadoon wax weerar ah kaga iman dhanka Shabaab,Falkan uu ku kacay C/llaahi Caanood kaga filan denbi uu ka galay shacabkii ku waxyeeloobay howlgalkiisa si gaar ah kasoo bixistiisii goobihii uu Shabaab kala wareegay.

Warar lagu kasoon yahay oo aynu helayno ayaa tibaaxaya in howlgalkan uu ahaa mid uu kali ku ahaa Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Cabdullaahi Caanood oo aanay jirin cid uu wax ka ogaysiiyay hadii ay noqon lahaayeen madaxda wasaarada Gaashaandhiga,Kuwa maamul goboleedka KoonfurGalbeed,Kan gobolka Shabeelaha hoose iyo kan degmada weerarka lala beegsaday ee Awdheegle.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka C/llaahi Cali Caanood oo ah shaqsi ay isku beel yihiin Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa lagu tiriyaa inuu ka mid yahay saraakiisha Dowlada kuwooda ugu Gabood falka badan kolka laga hadlaayo ku takri falka awooda Dowladnimo iyadoo sidoo kalena lasoo warinaayo in aanu haba yaraatee xogta Ciidanku la wadaagin saraakiisha iyo maamulka isaga ka sareeya Ciidanka.

*Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo isagu ah Taliyaha ugu sareeya Ciidanka Xooga Dalka ayaa dhankiisa waxaa aad u muuqda inuu aad u dayacay mas’uuliyadii ka saarneyd Shacabka ku nool goobaha ay Ciidamada Xooga dalku ka howlgalayaan ka dib kolkii uu Awood aan xad lahayn uu siiyay Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Cabdullaahi Caanood oo ay beel wadaag yihiin.

*Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga,Madaxweynaha maamulka KoonfurGalbeed,Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha hoose iyo Gudoomiyaha degmada Awdheegle ayaa ah kuwo aan haba yaraatee awoodin inay ka hadlaan dhibta Maatidooda kasoo gaaraysa waxa loogu yeero Howlgalada Shabaab dalka looga sifeynaayo oo run ahaantii haatan u xuub siibtay mid Shacabka lagu ciqaabaaya isla mar ahaantaasina ay ka muuqato fal aargudasho ku dhisan.

*Gudoomiyaha Degmada Awdheegle Maxamed Awees Abuukar oo isaguba dibadjoog ka ah degmada Awdheegle ayaa dhankiisa waxa uu ku cataabay in Madaxda ciidanku aaney waxba isaga kala socodsiin howlgalkooda ku aadanaa degmada Awdheegle iyo kasoo bixidoodii midna! Waa yaabe Gudoomiyaha Dibadjoog ah ee degmada Awdheegle Maxamed Awees Abuukar ma wuxuu sugayay in isaga laga soo wargeliyo howlgalka ciidanka ay ka sameynayaan degmada isagoo xitaa ka warhayn xaalka ay ku sugan yihiin Shacabka ku nool degmada Awdheegle? Mise malaha ku magacawnaanta Gudoomayaha Degmada Awdheegle ayuu RAHAN uga dhiganaayaa Shacabka dhibtoonaya? Ma waanu ogayn Gudoomiyaha Dibadjoog ah ee degmada Awdheegle Maxamed Awees Abuukar in sheegashada uu sheeganaayo Gudoomiyenimada Degmo aanu waxba ugu maqnayn in Hor ALLE lagu xisaabin doono Qiyaamaha?

Si kasta oo loo dhigaba dhibta soo gaarta Shacabka ku nool goobaha dagaaladu ka jiraan ayaanay ahayn noqon doonin mid si sahlan lagu ilaawo amaba lagu daboolo balse waxay ahaan doonaan in lagula xisaabtami doono maalin ay ahaataba kuwo dhiiga Shacabka sida maalaayacniga ah ku daadinaya Cadaaladuna la horkeeni doono.

Abdiaziz Cade

ATLANTA.

]]>
33905
Ururka Samalka URDO oo Baardheere Tababar ugu Qabtey Haweenka ka shaqeeya Nadaafada(Sawirro+Dhageyso) http://www.daafeet.com/2018/02/05/ururka-samalka-urdo-oo-baardheere-tababar-ugu-qabtey-haweenka-ka-shaqeeya-nadaafadasawirrodhageyso/ Sun, 04 Feb 2018 21:51:32 +0000 https://www.daafeet.com/?p=33808 Ururka Samafalka Wadaniga ah URDO ee  fadhigiisu yahay degmada Baardheere ayaa maanta waxaa uu tababar ku Saabsan Nadaafada ugu Qabtey xaruntooda haween gaaraya ilaa 20 kuwaasi oo ka shaqeeya nadaafada deegaanka muddo ku dhow ilaa labo sanno,waxaana xafladii lagu furayey Tababarkaasi oo socon doona muddo 14 maalin ah ka soo qeyb galey Mas,uuliyiinta Maamulka degmada,Ururka Haweenka iyo xubno ka socdey Guddiga Steerin commiteega ee degmada Baardheere.

Maxamuud Faarax Maxamed oo ah Madaxa Ururka Samafalka URDO oo soo qaban qaabiyey Tababarkani ayaa sheegay haweenka loo qabanayo tababarka in ay yahiin 20,islamarkaana laga soo dhex xuley Xaafadaha degmada,ujeedada ay u qabteen Tababarkani ayuu sheegay  inay la xariiro ilaalinta Nadaafada iyo fayo dhawrka deegaanka,si wax looga qabto nadaafad darida ka taagan degmada.

Tababarkani ayuu sheegay inuu yahay labo qeybood,qeybta 1aad oo ay ku baran doonaan haweenka maareynta wasaqda iyo nadaafada,halka qeybta 2aadna uu ku sheegay waa hal abuurka ganacsiyada yar yarka,mudada uu socdo ka qeyb galayaashu iwaxay ku baran doonaan casharo muhiim ah oo la  xariira labadaasi qeybood,casharadaasi ayuu  tilmaamay in ay bixinayaan macalamiin Aqoon u leh arimaha nadaafada iyo fayo dhowrkaBulshada.

Mas,uuliyiinta kale ee ka Hadley xafladii furitaanka Tababarka ayaa waxaa ka mid ahaa ,Maxamed Ibraahin Faradheere oo ah Madaxa Arimaha Bulshada Maamulka degmada Baardheere,Raage Warlow oo ah Madaxa Mashaariicda,Buraale Ibraahin Xaaji oo ah Xoghayaha Dowlada Hoose iyo Qureesho Aden Cumar oo ah Gudoomiyaha Ururka Haweenka degmada,Mas,uuliyiintani ayaa waxay carabka ku adkeeyeen ahmiyada tababarka noocani oo kale uu u leeyahay haweenka ka shaqeeya nadaafada.

Marka ay dhamaystaan tababarkan haweenka ayaa qorshaha xiga waxaa uu yahay in lagu wareejiyo ilaa 20 gaari dameer iyo Qalabkooda oo ay ugu shaqeyn doonaan nadaafada deegaanka,iyagoona loo diyaariyey Goobahii Qashinka iyo wasaqda ay ku shubi lahaayeen.

Halkan Riix Si aad u dhegaysato Ururka Samafalka URDO

Khadar Maxamed Siraad

Baardheere/Gedo

]]>
33808
Ceel Biyood ku Shaqeeya Soolarka Cad Ceeda oo laga hergeliyey degmada Baardheere(Sawirro+Dhageyso) http://www.daafeet.com/2018/01/31/ceel-biyood-ku-shaqeeya-soolarka-cad-ceeda-oo-laga-hergeliyey-degmada-baardheeresawirrodhageyso/ Wed, 31 Jan 2018 00:05:33 +0000 https://www.daafeet.com/?p=33738 Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa markii ugu horeysay waxaa laga hergeliyey Ceel biyood ku shaqeynaya Tamarta Soolarka Cadceeda oo ayan horey u lahayn degmada,Ceelkani oo ah Ceelka keliya ee laga heli karo biyo macaan ayaa waxaa hergelintiisa iska kaashadey Maamulka Degmada oo taageero dhaqaale ka helaya mid ka mid ah Hay,ayadaha  Samafalka.

Ceelkani ayaa waxuu ku yaalaa Xaafada Bulsho  ee duleedka Waqooyi ee degmada Baardheere,waxaana markiisii hore Biyo ka heli jirey Xaafadaha u dhow dhow halka uu ku yaalo Ceelka,balse talaabadani lagu qalabeeyey Ceelka ,laguna balaariyey ayaa u horseedaysa in dadweynaha ku dhaqan degmada Baardheere ay helaan Biyo macaan oo nadiif ah,kuwaasi oo dhib badan ku Qabey Isticmaalka Biyaha Webiga Jubba.

Eng.Maxamed Saalax Axmed oo ah Engineerkii Qalabka Soolarka ku rakibay Ceelka ayaa sheegay ujeedada in ay la xariirto sidii loo dabooli lahaa baahida dadka deegaanku ay u qabaan sidii ay u heli lahaayeen Biyo nadiif ah,si islamarkaana looga gudbi lahaa  habka Matorada ee ay Ceelasha ku shaqeeyaan oo kharashkoodu uu aad u badan yahay.

“waxaan maanta dhamaystirney Howshii aan ku rakibaynay Qalabka loo isticmaalayo Ceelka Bulsho,waxaana u aragnaa inuu biyo badan uu siin doono xaafadaha ay ka kooban tahay Baardheere,islamarkaana laga maarmi doono biyahii laga heli jirey webiga ,Soolarka ceelka uu ku shaqeynayo ayaa ah ilaa 32 xabo oo awood u leh in ay biyo badan soo saaraan,waxuuna shaqeyn karaa mudo 12 saacadood maalin kastaaba,waxaana u tababarney shaqadaasi ilaa 4 ruux ,waxuuna Qalabkani uu leeyahay damaanad muddo hal sanno ah sidaasi waxaa yiri Eng.Maxamed Saalax Axmed oo ah Engineerkii Qalabka Soolarka ku rakibay Ceelka Bulsho.

Aden faarax Cali waa Maamlaha Ceelka Bulsho waxaana uu sheegay inuu ku faraxsan yahay Maalgelinta lagu sameeyey Ceelka,Qalabeynta iyo balaarinta in wax weyn ay ka tari doonto inaan daboolno baahiyaha xaga biyaha ee ka taagnaa degmada,waxuuna balan qaadey in Biyaha uu ku siin doono Bulshada Qiimo jaban,islamarkaana goobo ay ka mid yahiin Xeryaha Barakacayaasha,Iskuulada iyo Masaajidyada biyaha uu ku siin doono si lacag la,aan ah.

Sidoo kale Ismaaciil Sh Cabdi Qorax(Koofi) oo ah G/ku xigeenka degmada Baardheere  ayaa ku amaanay Mas,uuliyiintii iyo Enjineeradii gacanta ka geystey Hergelinta Ceelkan ku shaqeeynaya habka soolarka in degmada ay ku soo kordhiyeen Horomar la taaban karo ,talaabadani ayuu sheeegay Rajo badan in ay ku abuurtey kumanaan dadweyne ah oo baahi weyn u qabey in laga saacido adeegyada Biyaha.

Halkan ka dhegayso wareysiga

Halkan ka dhegayso wareysiga

Xafiiska Wadajirradio Baardheere.

Axmed Cumar Saalixi.

]]>
33738
Dhegayso..Xil.Maxamed Nuuraani Bakar oo u Jawaabay Cabdulahi Sheekh Ismaaciil http://www.daafeet.com/2018/01/30/dhegayso-xil-maxamed-nuuraani-bakar-oo-u-jawaabay-cabdulahi-sheekh-ismaaciil/ http://www.daafeet.com/2018/01/30/dhegayso-xil-maxamed-nuuraani-bakar-oo-u-jawaabay-cabdulahi-sheekh-ismaaciil/#comments Tue, 30 Jan 2018 00:01:10 +0000 https://www.daafeet.com/?p=33711 Xildhibaan Maxamed Nuuraani Bakar ayaa jawaab lama ilaawaan ah maanta warbaahinta maxaliga ah ee magaalada Muqdisho u mariyay Caadaqaate Cabdulahi Sheekh Ismaaciil.

Jawaabtan uu siiyay Xildhibaan Maxamed Nuuraani Bakar Caadaqaate Cabdulahi Sheekh Ismaaciil ayaa timid kadib kolkii maalin-nimadii shalay uu Cabdulahi Sheekh Ismaaciil ku cantaayaqay hadalo Gef ku ah Shaqsiyadiisa iyo weliba beesha BiyoMaal ee uu kasoo jeedo.

Halkan ka dhegayso Jawaabtii la siiyay Caadaqaate Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil.

Jawaab lasiiyay O

]]>
http://www.daafeet.com/2018/01/30/dhegayso-xil-maxamed-nuuraani-bakar-oo-u-jawaabay-cabdulahi-sheekh-ismaaciil/feed/ 1 33711
Faahfaahin dheeri ah: Kulankii Xasan Aadan (Shariif Sakiin) iyo Siyaasiyiin AWDIGIL sheegtay. http://www.daafeet.com/2018/01/09/faahfaahin-dheeri-ah-kulankii-xasan-aadanshariif-sakiin-iyo-siyaasiyiin-awdigil-sheegtay/ http://www.daafeet.com/2018/01/09/faahfaahin-dheeri-ah-kulankii-xasan-aadanshariif-sakiin-iyo-siyaasiyiin-awdigil-sheegtay/#comments Tue, 09 Jan 2018 01:41:28 +0000 https://www.daafeet.com/?p=33489 Sida qaar ka mid ah warbaahinta ku hadasha Afka Soomaaligu ay baahiyeen maalin-nimadii shalay waxaa magaalada Muqdisho caasimada dalka Soomaaliya kulan ku dhexmaray Xasan Aadan (Shariif Sakiin) Madaxweynaha maamulka waxa loogu yeero KoonfurGalbeed Soomaaliya iyo Siyaasiyiin horey ugu soo fashilmay inay kalsooni ka helaan beelahooda isla markaana dibadjoog haatanba ka ah siyaasada dalka heer Gobol iyo mid Fedraalba kana soo jeeda beelaha AWDIGIL.

*Waa ayo Kooxdan?

Kooxdan waa koox soo shaac baxday kadib kolkii ay ku soo wada guul dareysteen helida kuraasta Baarlamaanka fedraalka beelahooda ee loogu tartamay magaalada Baydhabo caasimada gobolka Baay sanadkii 2016dii,Kadibna waxay kooxdan bilaabeen inay isu abaabulaan qaab Mooryaan Siyaasadeed leh waji mucaaradnimo ay ku mucaaradayaan Madaxweynaha maamulka loogu yeero KoonfurGalbeed Soomaaliya Xasan Aadan(Shariif Sakiin) oo iyaga Fashilka kasoo wajahay beelahoodana iska dhaadhiciyay inuu isaga ka danbeeyey tan iyo xiligaasna waxay kooxdani dadaal badan u galeen sidii ay mar uun uga soo muuqan lahaayeen warbaahinta iyagoo adeegsanaya dacaayado ay ku muujinayaan inay weli siyaasada dalka ay ku dhex jiraan isla markaana ay weli mug iyo muuqaal siyaasadeed ku leeyihiin gudaha xafiisyada Madaxda dalka.

*Waa mxay danaha uu Kooxdan ka leeyahay Xasan Aadan(Shariif Sakiin)?
Isbahaysatadan Qariskatuurka ah ayaa waxay geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen sidii ay Masraxa Siyaasadeed markale uga soo muuqan lahaayeen waxaana haatan u gacan haatiyay Xasan Aadan(Shariif Sakiin) Madaxweynaha maamulka waxa loogu yeero KoonfurGalbeed Soomaaliya oo isaga haatan ciriiri Siyaasadeed,mid Bulsho iyo Dhaqaale heer walba lihi dhexda kaga jira isla markaana kooxdan u arko inay yihiin kuwa uu ku fushan karo danihiisa gaarka ah ee uu ka leeyahay gudaha Beelaha AwDigil maadaama ay yihiin kaliya kuwo daneynaaya inay dib ugu soo laabtaan masraxa siyaasadeed dalka Qiime kasta oo ugu kacaba.

Ma ahan kooxdan kuwo leh mabda’ Siyaasadeed iyo aragti ku qotonta badbaadin ummaddeed sidaa daraadeed ayaa Xasan Aadan(Shariif Sakiin) Madaxweynaha maamulka waxa loogu yeero KoonfurGalbeed Soomaaliya waxa uu u doortay inuu u adeegsado xiligan burburinta kacdoonka maamulkiisa looga soo horjeedo ee haatan ka jira gobolka Shabeelaha hoose sidoo kalena uu gacan ugu helo inuu markale dib u hanto kursiga ugu sareeya maamulka KoonfurGalbeed oo uu haatanba sida sharci darada ah ugu fadhiyo kolka la gaaro doorashada dhici doonta Nofembartan soo socota.”Waaba Hadii Ay Dhacdo ee”.

*Kooxadan Kalsooni maku qabaan beelaha ay Matalaan?.

Guud ahaan Beelaha la sheego inay kasoo jeedaan Shakhsiyaadkan ayaa waxay wada qirayaan in dhab ahaantii ayan ahayn kuwo u dhashay beelaha ay magacooda masraxa Siyaasdeed ee dalka ku saaran yihiin taa darteedana waxay ku waayeen Kalsoonida Beelaha iyadoo taasina ayba u dheertahay Wax qabad la’aan mudadii dheereyd ee ay magaca beelaha ayan u dhalan ay xilalka ku hayeen.

-Dr.Khaalid Cumar Cali oo ah hogaamiyaha kooxdan Qariskatuurka ah ayaa horey waxa uu usoo noqday Xildhibaan beelaha Begedi tan iyo Ambagati xilal kala gedisan oo golaha Wasiiradana soo qabtay waa nin aan u dhalan Beesha,Waxa uuna u dhashay beesha reer FAQI ee BANAADIRI.

-Avv.Muumino Sheekh Cumar Waxay magaca beesha Tuni ku soo noqotay Xildhibaan hore,Waxay hada isla magaca beesha ku haysaa xubin gudiga garsoorka waxay u dhalatay beesha Murusade.

-Eng.Saalax Sheekh Cusmaan Wasiirkii hore ee Howlahaguud iyo Guriyaynta,Inkasta oo aan weligiis xil Xildhibaanimo aanu qaban ayaa hadana waxa la rumaysan amaba Xaqiiqdu tahay in Xildhibaan Xuseen Cismaan Xuseen(Xuseen Uurkuus) uu Geed fadhi u yahay Eng.Saalax isla markaana ay walaashiis dhashay Xildhibaan Xuseen Cismaan Xuseen(Xuseen Uurkuus) ayaa ku fadhiya kursiga Baarlamaanka Beesha Galadi walow uu u dhashay Beesha Jiido.

*Maxaa kasoo baxay Kulanka?.

Kulankan oo abaabulkiisu lahaayeen Kooxdan danleyda ah ee Qariskatuur ayaa waxaa si ka warqab la’aan ah ku soo xaadiray kulanka Malaaqa Shanta Caleen Malaaq Siidoow Maadoow oo runtii kulankaasi fashiliyay kadib kolkii uu dhegaystay kulanka iyo Ajandihiisa.

Ajandaha kulanka oo kooxda ku sheegtay Iscafin,Dib u heshiisiin iyo Wadashaqeyn dhex marta maamulka Xasan Aadan(Shariif Sakiin) iyo Kooxda Qariskatuur ayaa hadal ka hor waxaa ka biyo diiday Malaaq Siidoow Maadoow oo kulanka ka hor cadeeyay Ajandaha laga hadli rabo in aanu ahayn mid ay ka Go’aan qaadan karaan Shaqsiyaadka meesha fadhiya ee kulanka ku matalaya magaca Beelaha AWDIGIL,Malaaqa ayaa u sheegay kulanka in loo baahan yahay kolkii la galaayo heshiis noocan oo kale ah inay goobta joogaan mas’uuliyiinta talada beelaha AWDIGIL ka go’da oo ay ugu horeeyaan Madaxda dhaqanka.

Waxaana arikan Waran Wadno ku dhacay ku noqday hogaamiyayaashii kulan oo runtii Ajandahoodu ahaa inay DHIIQO KA KALUUMAYSTAAN,Kadibna si ay u badbaadiyaan kulankooda waxay go’aamiyeen inay kulamada Badiyaan isla markaana kulamada kulankan xigi doonaan ay Baydhabo ka dhacaan iyadoo aan wax wakhti ah loo qaban.

Xigasho: Wadajirradio Atlanta.

]]>
http://www.daafeet.com/2018/01/09/faahfaahin-dheeri-ah-kulankii-xasan-aadanshariif-sakiin-iyo-siyaasiyiin-awdigil-sheegtay/feed/ 1 33489
Dhegayso…Gud.Maxk.Sare maamulka K/G Sheekh Fanax oo ka hor yimid xil ka qaadis Shariif Xasan ku sameeyay. http://www.daafeet.com/2017/12/20/dhegayso-gud-maxk-sare-maamulka-k-g-sheekh-fanax-oo-ka-hor-yimid-xil-ka-qaadis-shariif-xasan-ku-sameeyay/ Wed, 20 Dec 2017 03:04:47 +0000 https://www.daafeet.com/?p=33268 Kadib kolkii maalin-nimadii shalay uu Afhayeenka maamulka KoonfurGalbeed Soomaaliya Nuuradiin Yuusuf Cumar uu Baydhabo ka sheegay in Xilkii laga qaaday Gudoomiyaha Maxkamada Sare maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Sheekh Axmed Cabdullaahi Fanax.

Hadaba si aan wax uga ogaano sida uu u arko xilkaqaadista lagu sameeyay Guidoomiyaha ayaa waxaan weydiinay sida uu u arko xilka qaadistii lagu sameeyay maalin-nimadii shay waxa uuna ku jawaabay .

Halkan Riix si aad u dhegaysato

]]>
33268
CabdiRaxmaan CabdiShakuur oo xalay ku baryay Xabsiga NISA. http://www.daafeet.com/2017/12/18/cabdiraxmaan-cabdishakuur-oo-xalay-ku-baryay-xabsiga-nisa/ Mon, 18 Dec 2017 03:08:26 +0000 https://www.daafeet.com/?p=33250 Siyaasiga CabdiRaxmaan CabdiShakuur oo saqdii dhexe ee xalay Ciidamada NISA ay ku weerareen gurigiisa kuna guulaysteen inay soo xiraan ayaa ku baryay Xabsi gaar ah oo ay ciidamadu leeyihiin,Siyaasigan oo mudooyinkii ugu danbeeyay ku sifoowey fowdaynta maamulka Dowliga ah ee hada jira ayaa soo qabashadiisa xalay waxay guulweyn u tahay dowlada Madaxweyne Farmaajo oo iyadu haatan u muuqata inay ku dhiiratay talaabo qaadisteeda u muuqato mid aad loogu baahnaa xiligan maadaama xubno Siyaasiyiin,Xildhibaano,Culimo iyo Ganacsato kasoo wadajeeda Beesha Siyaasigan uu ka dhashay ay u gunda duubteen duminta dowlada fedraaka ah ee Soomaaliya.

Talaabadan lagu soo qabtay CabdiRaxmaan CabdiShakuur ayaa u muuqata mid Dowlada Soomaaliya ay aad ugu diyaar garowday maadaama weerarka iyo soo qabashaduba ay xili danbe dheceen isla markaana ay ka hortageen in iska hor imaad uu halkaasi ka dhaco shacabna ay waxyeelo kasoo gaarto.

Dhanka kale Warar soo baxaya subaxnimadan saaka ayaa ku waramaaya in xiisad xoogan ay haatan ka jirto qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafadaha ay ku badan yihiin taageerayaasha CabdiRaxmaan CabdiShakuur sida Xaafada Heliwaa(Suuqa Xoolaha),  waxaana halkaasi laga soo sheegayaa in Maleeshiyo beeleed hubaysani ay halkaasi isku abaabulayaan kuna soo wajahan yihiin xaafadaha qaar ee magaalada inay Amni daro ka abuuraan.

Waxaa sidoo kale laga cabsi qabaa iney dhacaan dagaalo kale maadaama siyaasiga la xiray uu saameyn badan ku leeyahay gudaha beeshiisa Habargidir iyo Maleeshiyo beeleed ku dhexdhuunta dadka reer Muqdisho dhexdood.a,

Talaabadan Dowlada ay qaaday xalay ayaa waxay soo dhoweyn aad u balaaran ka heli doontaa Shacabka Muqdisho oo iyaga maanta u baahan inay helaan Dowlad u soo celisa Amarka iyo kala danbaynta Sugtana Amnigooda.

 

 

]]>
33250