Video – Daafeet.com http://www.daafeet.com News iyo Barnaamijyada Redio Daafeet Sun, 27 Nov 2022 13:34:37 +0000 en-US hourly 1 https://wordpress.org/?v=6.5.2 120544105 Axmed Luqmaan oo ka hadley siyaasada maldahan ee ka taagan koonfur galbeed http://www.daafeet.com/2022/11/27/axmed-luqmaan-oo-ka-hadley-siyaasada-maldahan-ee-ka-taagan-koonfur-galbeed/ Sun, 27 Nov 2022 01:24:00 +0000 https://www.daafeet.com/?p=49788 Axmed Maxamed Luqmaan oo ah odayaasha kasoo jeeda gobolka shabelaha hoose ayaa ka hadlay xaaladda guud ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, gaar ahaan khilaafka ka taagan doorashada.

Axmed Luqmaan oo wareysi gaar ah siiyey Universal TV ayaa ka falceliyey shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo uu dhowaan ku baaqay guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Axmed ayaa shaaca ka qaaday in xilligan aysan Koonfur Galbeed u baahneyn dib u heshiisiin ee ay baahan tahay dib u sixid maamul, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in shacabka degan Shabeelaha Hoose ay ku hoos dulman yihiin Koonfur Galbeed, isaga oo tilmaamay inay xuquud badan uga maqan tahay.

Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in laga shaqeeyo midnimada maamulka iyo sidii loo hagaajin lahaa mustaqbalka Koonfur Galbeed, maadaama doorasho la galayo.

]]>
49788
Daawo Wasiirada haweenka iyo xuquuda aadanaha oo haweenka somaliyeed uga hambalyeysay munaasabada 8da maarso http://www.daafeet.com/2021/03/08/daawo-wasiirada-haweenka-iyo-xuquuda-aadanaha-oo-haweenka-somaliyeed-uga-hambalyeysay-munaasabada-8da-maarso/ Mon, 08 Mar 2021 07:29:48 +0000 http://www.daafeet.com/?p=44365

Wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquuqul insaanka xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Xaniifa Maxamed Ibraahim ayaa haweenka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 8 Maarso oo maanta ku beegan.

Wasiirada ayaa sheegtey in sanadkii 1977 bishii maarso sideeddeedii loo asteeyey in ay noqoto maalin ay u dabaal dagaan haweenka aduunka. iyaga oo kusoo bandhiga rabitaankooda, xaquuqdooda iyo dhibaatooyinka loo geystey haweenka.

Wasiirada ayaa hoosta ka xariiqdey in sanadka aan 8da maarso loogu dabaal degi karin sidii sanadihii hore maadaama uu dala ka jiro cudurka korono viruska oo dunida oo dhan aafeeyey.

Wasiirada ayaa haweenka soomaaliyeed ugu baaqdey inay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka, difaaca dalka iyo horumarintiisa sidoo kalana ay qeyb libaax ka qaataan sidii loo xakameyn lahaa cudurka saf mareenka ee korono viruska.

]]>
44365
Daawo Sheekh Mukhtaar Roobow ay soo wajahdey xaalad caafimaad http://www.daafeet.com/2021/03/04/daawo-sheekh-mukhtaar-roobow-ay-soo-wajahdey-xaalad-caafimaad/ Thu, 04 Mar 2021 04:52:18 +0000 http://www.daafeet.com/?p=44337
FILE PHOTO: Former al Shabaab leader Mukhtar Robow attends a news conference in Baidoa, Somalia, November 4, 2018. REUTERS/Feisal Omar/File Photo

Gudoomiyaha xisbiga amini iyo cadaalo oo la hadlay warbaahinta magalada muqdisho ayaa sheegay in sheekh mukhtaar roobow ay soo wajahdey xaalad caafimaad daro taasoo uu dhowr jeer ka dalbay dowlada in uu helo dhaqtar.

Yusuf Xasan aya aintaasi ku darey in dowlada ay in mudo ahba u diidan tahay in sheekha uu helo dhaqtar si loga daweeyo waxa markaasi haya oo ku saabsan xaaladiisa caafimaad.

]]>
44337
Daawo reysulwasaaraha xukumada federalka oo eedeyn usoo jeediyey golaha musharixiinta http://www.daafeet.com/2021/02/19/daawo-reysulwasaaraha-xukumada-federalkaoo-eedeyn-usoo-jeediyey-golaha-musharixiinta/ Fri, 19 Feb 2021 12:41:21 +0000 http://www.daafeet.com/?p=44168

Reeysulwasaaraha xukumada federaalka somaliya Maxamed Huseen Rooble oo koldhaweyd warbaahinta la hadley ayaa eedeyn usoo jeediyey masuuliyiinta golaha musharixiinta.

Reysulwasaaraha ayaa sheegay in bananbixii ay golahaasi soo abaabuuleen uu ahaa bananbax rabshado wato isla markaana ay weerareen ciidamada dowlada oo ku sugnaa baro koontarool.

Reysulwasaaraha ayaa hoosta ka xariiqey in muwaadanka somaliyeed uu xaq u leeyahay in uu banaanboxo balse aysan abaabuli karin bananbaxyo rabshada wata oo lagu dhibaateynayo shacabka somaliyeed.

Si kastaba arintu ha ahaatee eedeymaha ay dulsha iska saarayaan masuuliyiinta dowlada iyo kuwa musharixiinta ayaad moodaa in dhinac walba uu ku dhegeyn yahay gardaradiisa isla markaasna aysan jirin qeyb qaadatey inay ayadu gardaran tahay.

]]>
44168
Daawo hogaamiyaha xisbiga wadajir oo ka hadley weerarkii maanta lagu soo qaadey dad bananbax sameynaayey http://www.daafeet.com/2021/02/19/daawo-hogaamiyaha-xisbiga-wadajir-oo-ka-hadley-weerarkii-maanta-lagu-soo-qaadey-dad-bananbax-sameynaayey/ Fri, 19 Feb 2021 09:19:13 +0000 http://www.daafeet.com/?p=44166

Hogaamiyaha xisbigawadajir Cabdirahmaan Cabshakuur oo warbaahinta la hadley ayaa ka warbixiyey weerarkii maanta lagu soo qaadey dad sameynayey dibadbax ay soo abaabuleen golaha musharixiinta.

Cabdirahmaan cabdishakuur ayaa sheegay in uu ka dambeeyey madaxweynaha dowlada federaalka in shacabka la xabadeeyo wuxuuna intaasi ku darey in aysan madaxweyne u aqoonsaneyn ee uu yahay dembiile waa sida uu hadalka u dhagay.

halka hoose ka daawada hadalkii uu jeediyey.

]]>
44166
Daawo Golaha musharixiinta oo jawaab culus ka bixiyey weerarkii xaley kuna baaqay in laga qeyb qaato bananbaxa http://www.daafeet.com/2021/02/19/daawo-golaha-musharixiinta-oo-jawaab-culus-ka-bixiyey-weerarkii-xaley-kuna-baaqay-in-laga-qeyb-qaato-bananbaxa/ Fri, 19 Feb 2021 01:43:53 +0000 http://www.daafeet.com/?p=44154

Golaha musharixiinta ayaa jawaab culus ka bixiyey weerarkii ay ciidamada dowlada ku qaadeey hoteelkii ay degenaayeen musuuliiintii hore ee dowlada somaliya wexey ku timaameen in falkaasi uu ahaa fal aad u xun

Warsaxaafadeedkan ayaa masuuliyiintii ka hadley waxaa ka mid ahaa reysulwasaarihii hore ee somaliya Xasan Cali Kheyrem gudoomiyaha xisbiga wadajir Cabdiraxmaan cabdishakuur, Musharax Cabdikariin Guuleed iyo weliba musharax Daahir Maxamuud Geele.

Dhamaantoodna waxaa ay shacabka magalada muqdisho u baaqeen inay ka dhiidhiyaan falkii dhacay isla markaana ay ka qeyb qaataan isusobaxa lagu baaqay maalinta oo ah maalin jimco.

]]>
44154
Daawo Dowlada oo ku guul dareysatey weerar ay xaley ku qaadeey hotel ay degenaayeen qaar ka tirsan musharixiinta http://www.daafeet.com/2021/02/19/dowlada-oo-ku-guul-dareysatey-weerar-ay-xaley-ku-qaadeey-hotel-ay-degenaayeen-qaar-ka-tirsan-musharixiinta/ Fri, 19 Feb 2021 01:11:40 +0000 http://www.daafeet.com/?p=44151

Ciidamo ka amar qaata dowlada federaalka ayaa saqdii dhexe ee habeenkii xaley weerar ku qaadey hotel ay ku sugnaayeen madaxweynayaashii hore ee somaliya iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Weerarka ka dib ayaa warbaahinta waxaa la hadley madaxweynihii hore ee somaliya sheekh Shariif iyo Shariif Xasan labadooduna waxaa ay sheegeen in weerarkaasi uu ahaa mid gardaro ah isla markaana lagu xad gudbey xuquuqda.

Labada masuul ayaa sidoo kale sheegey in mudaaharaadkii maanta lagu balansaa uusan baaqaneyn isla markaana wexey shacabka magalada muqdisho ugu baaqeen in ay kasoo qeyb galaan bananbaxaasn

]]>
44151
Daawo: Dood wadaag ku saabsan tacdiyaadka ka dhacay degmada walaweyn http://www.daafeet.com/2021/01/16/daawo-dood-wadaag-ku-saabsan-tacdiyaadka-ka-dhacay-degmada-walaweyn/ Fri, 15 Jan 2021 23:30:58 +0000 http://www.daafeet.com/?p=43748

Dood wadaag aad u wanaagsan oo looga hadlaya xaalada guud ee ay ku sugan tahay degmada walweyn maalmihii lasooo dhaafay ayaa waxaa ay dhex martey rug cadaa Prof Maxamed Cumar Dalxa iyo Maxamed Xaaji Mukhtaar.

Doodani ayaa waxaa lagu lafa gurayey xaalada guud ee degmada iyo dhibaatooyinka ku soo kordhey bilihii ugu dambeeyey ha noqoto dagaalkii u dhexeeyey kooxihii duulaanka ku ahaa degmada iyo weliba mida u dhexeysay shanta caleemood.

]]>
43748
Daawo odayaasha beesha hubeer oo wasiirka arimaha gudaha maamulka koonfur galbeed ku eedeeyey musuqmaasuq http://www.daafeet.com/2021/01/14/daawo-odayaasha-beesha-hubeer-oo-wasiirka-arimaha-gudaha-maamulka-koonfur-galbeed-ku-eedeeyey-musuqmaasuq/ http://www.daafeet.com/2021/01/14/daawo-odayaasha-beesha-hubeer-oo-wasiirka-arimaha-gudaha-maamulka-koonfur-galbeed-ku-eedeeyey-musuqmaasuq/#comments Thu, 14 Jan 2021 05:21:01 +0000 http://www.daafeet.com/?p=43730

Odayaasha dhaqanka beesha hubeer oo kulan ku yeeshay degmada walaweyn maalintiii isniinta aheyd ayaa waxaa ay kulankooda dhaleeceyn aad u weyn uga soo jeediyeen wasiirka arimaha gudaha maamulka koonfur galbeed Maxamed Abukar Cabdi iyaga oo sheegay in uu degmada ka wado musuqmaasuq baaxad leh.

Odayaashani ayaa sheegay in wasiirka uu yahay ninka dhibaatada ugu weyn ku haya shacabka degmada walaweyn isla karmaana iska horkeenaya masuliyiinta ka howl gasha degmada walweyn.

Odayashan ayaa sidoo kale ku eedeeyey wasiirka in lacago musuqmaasuq ah uu ka qaato masuulka ugu sareeya degmada lacagahaas oo intooda badan ah kuwa kasoo xarooda canshuuraha laga aruuriyo ganacsatada degmada walweyn.

]]>
http://www.daafeet.com/2021/01/14/daawo-odayaasha-beesha-hubeer-oo-wasiirka-arimaha-gudaha-maamulka-koonfur-galbeed-ku-eedeeyey-musuqmaasuq/feed/ 1 43730
Daawo: odayaasha dhaqanka degmada walaweyn oo ka jawaabey hadalkii nabadoonka beesha hubeer http://www.daafeet.com/2021/01/12/daawo-odayaasha-dhaqanka-degmada-walaweyn-oo-ka-jawaabey-hadalkii-nabadoonka-beesha-hubeer/ Tue, 12 Jan 2021 06:27:37 +0000 http://www.daafeet.com/?p=43703

kulan ay isugu yimaadeen maalintii shaley odayaasha dhaqanka beelaha degmada walaweyn ayaa waxaa ay raali gelin kaga bixiyeen hadal ay sheegeen in uu kasoo yeeray odayaal dhawaan ku shirey degmada walaweyn oo eedeyn usoo jeediyey maamulka degmada iyo weliba kan koonfur galbeed.

Odayaashani ayaa waxaa ay sheegeenin aysanla qabin arinkaas odayaashii dhawaan la hadley warbaahinta islamarkaasnaay raali gelin buxda ka bixinayaan qaabkii ay u hadleenodayaashaasi.

Nabadoonada iyo odyaasha halkaasi ka hadleyey ayaan marnaba soo cara baabin shaqsiyaadka ay sheegayaan in ay u gafeen maamulka koonfur galbeediyo weliba kan degmada balse waxaa ay hoosta ka xariiqeen in ay diyaar u yihiin hadii ay wax tirsanayaan in ay kala xaajoon doonaan.

Hadalka odayaashan ayaawaxaa uu kusoo beegmayaa kadib hadal uu dhawaan jeediyey nabadoonka beesha hubeer oo uu ku dhaleeceynayey maamulka degmada iyo weliba kan koonfur galbeed walow ayasanayagacarabaabin odayaashaay ka hadlayaan.

]]>
43703